Ronaldo oo goolkii ugu horreeyey u dhaliyey kooxda Al-Nassr & Laacib ku koox ah oo haraynaya (Daawo)

0

(Riyaad) 03 Feb 2023 – Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambayn furtay akoonkiisa gooldhalinta kooxda Saudi Arabia ee Al-Nassr intii lagu guda jirey barbarrihii ay 2-2 kula galeen kooxda Al-Fateh kulan goor dhow soo dhamaaday.

Weeraryahanka reer Portugal ayaa dhaliyey rigoore soo daahay oo uu ka dhaliyey kooxdii martida ahayd, isagoo horay kubad birta ugu dhuftay islamarkaana dhaliyey kubad dhinac-bax ahayd horraantii ciyaarta.

Laacibka Anderson Talisca, oo Ronie ka fagfag roon, ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee Al-Nassr kaddib markii uu dhaliyey qeybtii hore ee ciyaarta – kahor inta uusan casaan qaadanin – iyadoo Christian Tello iyo Sofiane Bendebka ay iyana shabaqa soo taabteen.

Weeraryahanka reer Portugal ayaan wax gool ah dhalin labadii kulan ee hore ee uu u saftay kooxdiisa Al-Nassr, laakiin waxa uu hubiyay inuu jiilaalkaa soo afjaro, waloow aanu weli kooxdaa sida qaaliga ah ku qaadatay uusan uga soo bixin meeshii ay ka filaysey.

Hadalsame Media