ILO DIBLOMAASIYADEED: Israel oo doonaysa inay duqayso 3,000 oo bartilmaameed oo Iran ah (Dalalka Khaliijka oo ay doonayso inay la galaan)

0

(Paris) 03 Feb 2023 – Ilo diblomaasiyadeed ayaa waxa ay u sharaxeen Idaacadda Faransiiska ee RFI in la diyaarinayo isbahaysi millateri oo la sheegay inay maleegayso Israel kaasoo ka koobnaan doona Faransiiska, Maraykanka, iyo, sida iyaga la qurxoon, dhowr wadan oo Carbeed: sida boqortooyooyinka Khaliijka qaarkood, kuwaas oo ay sidoo kale Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran loo tusay inay khatar jiritaan ku tahay.

Waloow isha diblomaasiyadeed ay ka gaabsatay magacaabista dalalka Khaliijka Carabta ee ay Israel raadinayso inay ku qanciso arrintan, misna waxaa la qiyaasayaa inay ka mid noqon karaan waddamada Khaliijka sida Imaaraadka oo la heshiiyey Israa’iil kaddib markii ay saxeexeen wax lagu sheegay ”Heshiiskii Ibraahiimiyada 2020” oo aan ahayn wax caadiyan u shaqeeya.

Isbahaysi kasta oo noocaas ah, sida uu qorayo RFI, waxa uu lahaan karaa door hor istaagi kara in Iran ay isku daydo weerar celin aargoosi ah xitaa haddii Israa’iil ay weerarto Iran sababtoo ah taasi waxay la micne tahay in ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah dalal dhowr ah isku mar, taasoo ay Israel ku doonayso inay daneheeda istaraatijiga ah kula dhex dhuumato dalalkan.

Israel ayaa la sheegay inay bartilmaameedsan karto ilaa 3,000 oo bartilmaameed oo gudaha Iran ah si ay mar qura u halakayso kaabayaasha ciidan ee dalkaasi, gaar ahaan goobaha ay ku yaallaan curiyeyaasha lagu bacrimiyo nukliyeerka.

RW Yuhuudda ee Benjamin Netanyahu, ayaa arrintan la hoos galay MW Faransiiska ee Emmanuel Macron oo horay u dhaliilay hamiga Iran ee hubka halista ah, waxayna labadoodu ku kulmeen Madaxtooyada Faransiiska ee Élysée Palace.

Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay inuu hannaanka daafaca cirka ee Israel ee loo yaqan ”Qubada Birta ah” uu siin karo dalka Ukraine, taasoo soo dedejin karta carada Moscow oo ay kala dhaxaysey siyaasad dadban oo ku dhisan ”aan kala leexanno.”

Hadalsame Media