Isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee 17-jirrada oo maanta la samaynayo (Somalia oo ogaanaysa dalalka ay ku dhacayso)

0

(Muqdisho) 01 Feb 2023 – Waxaa maanta la samayn doonaa isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee 17-jirada kaas oo ka dhici doona Algeria.

Isku aadka wuxuu dhici doonaa 2:00 (Duhurnimo) xilliga Geeska Afrika, waxaana si toos ah looga daawan doonaa baraha bulshada.

Maanta waxaan ogaan doonaa xulkeenna Soomaaliya group-ka uu gali doono iyo wadamada aan la ciyaari doono wareega Group-yada.

Tartanka waxaa ka qeybgalaya 12 wadan waxeyna kala yahiin: Algeria (Host) Morocco, Nigeria, Mali, Senegal, Burkino Faso, Cameroon, Congo, Somalia South Sudan, South Africa iyo Zambia.

Saddex Group ayaa loo qeybin doonaa oo min afar kooxood ah, Group A waxaa hogaamin doona Algeria (Martigaliyayaal) Group C waxaa hogaamin doona (Cameroon) oo ah difaacdayaasha tartanka halka Group B ay hogaamin doonaan (Nigeria) oo kaalinta 4-aad ka gashay tartankii u dambeeyay ee 2019 la qabtay.

Somalia dalkee ku group noqon doontaa?

W; D: Cabdirashiid Max’uud Nuur

Hadalsame Media