”200 oo milyan baan kasoo bixiyey wuxuuna yaqaannaa SIUUU oo kaliya” – Nin furka ku xooray Ronaldo oo lagu sheegay Agaasimaha Al-Nassr

0

(Riyaad) 01 Feb 2023Kaddib guuldarradii kasoo gaartey kooxda Al Ittihad oo 3-1 uga badisay ciyaar ka tirsanayd Super Cup-ka Sacuudiga usbuucii hore, Cristiano Ronaldo ayaa wajahaya caqabadaha wax qabad la’aantiisa ka dhashay ilaa haatan.

Muuqaal aad ugu faafay baraha bulshada, ayaa nin lagu sheegay inuu yahay Agaasimaha Al Nassr uu muujiyey sida uu uga xun yahay natiijadaasi.

“Ka tag meesha. Waxaan ku kharash gareeyey 200 milyan oo Euro isagana [Ronaldo] kaliya wuu yaqaan sida loo yiraahdo ‘Siuuuu’. Suurtagal maaha.” ayuu yiri ninkan, oo la sheegay inuu yahay agaasimaha Al Nassr.

Macallinka kooxda Ronaldo ee Rudi Garcia, ayaa isna maalin dhowayd sheegay in Ronaldo uu dib ugu laaban doono Yurub, taasoo ka duwan warkii uu Ronie sheegay markii lasoo bandhigayey ee ahaa inay halkaa uga dhamaatay oo uu ciyaaraha uga fariisan doono Sucuudiga.

Hadalsame Media