Taageerayaasha Messi oo silcinaya Ronaldo & Laacib xalay gool ka dhaliyey oo nabrihiisa cusbo sii mariyey (Arag waxa ay ku dhigayaan)

0

(Riyaad) 27 Jan 2023 – Cristiano Ronaldo ayaa lagula maadaystey dabbaaldegga caanka ah ee Lionel Messi ee Barcelona iyadoo kooxdiisa cusub ee Al-Nassr ay ku dhibtootay ciyaartii Khamiistii ee semi-finalka Super Cup-ka Saudi Arabia.

Heshiiska $300 milyan oo Doollar (AUD) ah oo uuu halkaa ku tegey ayaa u muuqdey mid si sahlan uu Ronaldo ugu muujin karo inuu yahay lambarka koowaad ee wax walba, laakin waqtigiisa Al Nassr uma fududa sidii qof uu walba filayey, isagoo laba kulan oo xiriir ah aan wax goolal ah dhalin.

Taageerayaasha Al-Itixaad ayaa sameeyey arrin laga xishoodo oo ah inay aad u qayliyeen oo ay ku farxeen mar taako xanuun badan lagu qabtay Ronaldo oo doonayey inuu buundo ku qaato kubbad 50-50 ahayd, intaana kuma ekaane markii uu baxayey ayay kula qayliyeen magaca Messi.

Weeraryahanka Morocco ee Abderrazak Hamdallah – oo shan kulan u saftay qaranka Woqooyiga Afrika ee usoo baxay afar dhammaadka Koobka Adduunka bishii hore, ayaa Al-Itixaad u dhaliyey goolka labaad laba daqiiqo kahor qaybta nasashada, kaddib markii Romarinho uu gool hore u dhaliyey.

Laacibka reer Morocco ayaa isna milix kusii shubay nabarradii Ronaldo isagoo goolkiisa ugu dabbaaldegey isagoo jilaya qaabka uu Messi sameeyo, gaar ahaan goolkii guusha ee uu daqiiqaddii u dambaysay u dhaliyey Barcelona kulankii El Classico ee ay ku garaaceen Real Madrid 2017 horyaalka La Liga – markaasoo uu Messi sare u taagey funaanaddiisa, taasoo ahayd ciyaar uu Ronaldo ciyaarayey.

Hadalsame Media