”Ma adiga ayaa xushmad ka hadlaya?” – Aguero oo furka ku xooray Ibrahimovic oo dhaliilay Xulka Argentina

0

(Hadalsame) 27 Jan 2023 – Sergio Aguero ayaa si caro leh uga jawaabey hadalladii Zlatan Ibrahimovic ee Lionel Messi iyo dhaleecayntii uu u jeediyey ciyaartooyda Argentina kaddib guushii ay ka gaareen Koobka Adduunka.

Ibrahimovic oo iminka 41-jir ah ayaa aad u dhaliilay habdhaqanka ciyaartooyda Argentina ee Koobka Adduunka ee ay Argentina qaadeen bishii hore, iyadoo uu weeraryahanka ruug caddaaga ihi sheegay inaysan xushmad ka istaahilin.

Isagoo oo ka hadlaya Twitch, weeraryahankii hore ee Manchester City waxa uu soo gocday kulankii Manchester Derby ee ay ka qayb ahaayeen Aguero iyo Zlatan, wuxuuna yiri: “Aan xasuusanno inaad sidoo kale si xun u dhaqantay, sax? Waxaan xusuustaa inaan la ciyaarnay United, waxaan ku jirey kursiga kaydka. Dadka ayaad daandaansanaysey, waadna ku af-celinaysey.”

Aguero oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxa aan u malaynayaa in kahor inta aanad ka werwerin Argentina, aad ka werwertaa dalkaaga, ama ciyaartooydiina, kuwaas oo aan xitaa Koobkii Adduunka ee ugu dambeeyey aan ku jirin, xitaa may soo bixin, laakiin ma garanayo….”

“Waxaan xasuustaa inaad la dagaallantay [Nicolas] Otamendi ciyaartii dhexmartay City iyo United, waxaad la murantay Pep Guardiola, waxaana qiyaasayaa inay taasi tahay sababta uu u doonaye inuu Barcelona kaa diro, waxaad xushmad darraysay saaxiibadayda kooxda”.

Wuxuu intaas ku daray: “Maxaa intaas sii dheer, waxaan dareemayaa inaad wax igu soo tuurtay, haatanna waan kaa aarsanayaa, waxaan nahay horyaallada adduunka, Zlatan, Messi waa kan ugu fiican adduunka, waan ka xumahay.”

Hadalsame Media