Ukraine oo heshay mid ka mid hanaannada difaaca gantaalaha caalamka ugu CASRISAN & Cidda siisay + Sawirro

0

(Kyiv) 24 Jan 2023 – Dalka Ukraine ayaa aad ugu baahan gantaalaha casriga ah ee difaaca cirka si ay wax uga qabato duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushku ku dhibaataynayey dadka deggan dalkaasi tan iyo bishii Febraayo 2022-kii ilaa maanta.

Sidaa darteed, wararka sheegaya in Talyaanigu diyaar u yahay inuu siiyo Ukraine nidaamka difaaca hawada ee SAMP / T ayaa ah khabar u wanaagsan. Sababtoo ah nidaamkan gantaalaha lidka diyaaraduhu waa mid ka mid ah kuwa ugu fiican noocyadan.

Waxaa hadda socda qabanqaabada wareejinta gantaalahan. Faransiiska, oo sidoo kale qayb ka ah farsamada gantaalkan ayaa isna laga sugayaa rukhsad.

Balse, Talyaaniga oo ah dalka ay isla sameeyaan sida muuqata mar hore ayuu go’aankaa gaarey, waxayna sidoo kale u muuqataa in Faransiisku uu sidaas oo kale isna samayn doono, sida uu qoray wargayska Corriere Della Sera ee Talyaanigu.

Tan iyo bilowgii duullaanka Ruushka ee Ukraine, Roma waxay Kyiv siisay shan xirmo oo gargaar millateri ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga, Mr. Antonio Tajani, ayaana sheegay in 1 bilyan oo Euro oo gargaar millateri ah uu Talyaanigu ugu deeqay Ukraine. Mr. Tajani ayaase intaa raaciyey, sida uu qorayo Corriere Della Sera, in xirmada lixaad ay ku jiraan nidaamyada casriga ah ee SAMP/T oo u dhigma Patriot-ka.

Hadalsame Media