”Ma aqoonsani Dowladda Ruto” – Raila Odinga oo weji kale oo yaab leh lasoo baxay

0

(Nairobi) 24 Jan 2023 – Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azimio la Umoja–One Kenya, Raila Odinga ayaa maanta ku dhawaaqay in uusan aqoonsaneyn dowladda uu madaxweynaha ka yahay William Ruto oo ah ninka uga guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Kenya ka dhacday bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.

Odinga oo kulan isu soo bax ah ku qabtay degmada Kamkunji oo ay ka tirsan tahay ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ayaa arrintan u sababeeyay wax uu ugu yeeray “natiijo sharci darro ah” oo kasoo baxday doorashadii sanadkii hore.

Dadkii isugu yimid garoonka Kamkunji ayuu u sheegay in isbahaysigiisu ay dowladda hadda jirta u arkaan mid aan sharci ku dhisneyn.

“Ugu horreyn, annagoo ah Azimio waxaan qaadacdnay natiijada doorashadii 2022. Ma aqoonsan karno mana aqoonsan doonno dowladda Isbahaysiga Kenya Kwanza,” ayuu yiri Mr Odinga.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Uma aqoonsanin Mr William Ruto in uu yahay madaxweynaha Kenya mana aqoonsanin dhammaan saraakiisha kale ee xafiiska la joogta.”

Mr Odinga ayaa sheegay in isbahaysigiisu ay dalbanayaan in lasoo bandhigo dhammaan xogihii aasaasiga ahaa ee doorashadii 2022 ay ka sameeyeen guddiga doorashada ee IEBC markaas ka dibna uu guddi kale oo dhexdhexaad ah dib u eego.

“Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah loo joojiyo isku day walba oo uu Mr Ruto keligiis dastuurka ugu sharciyeynayo guddiga IEBC taas baddalkeedana shacabka Kenya loo fasaxo in ay wadatashi ka sameeyaan dastuureynta guddiga doorashada,” ayuu yiri Raila Odinga.

Raila Odinga iyo siyaasiyiinta xisbigiisa

XIGASHADA SAWIRKA,RAILA ODINGA

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ayaa sheegay in isbahaysigiisu uu dalbanayo in dowladda hadda jirka “ay is casisho maadaama aysan lahayn awood ay dalka ku maamusho”.

Mr Odinga waxaa isu soo baxan ku wehlinayay siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Martha Karua, Kalonzo Musyoka, Eugene Wamalwa, Wycliffe Oparanya iyo murashaxii hore ee xilka madaxweynaha George Wajackoyah.

Hadalka kasoo baxay Raila Odinga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xisbigiisa ayaa yimid dhowr bilood ka dib markii ay maxkamadda ugu sarreysa Kenya soo afjartay muran ka dhashay natiijadii doorashada, iyadoo waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeymaha ku saabsanaa in wax isdaba marin lagu sameeyay doorashada.

Murashaxa nasiibka daran

Raila Odinga waa musharaxii ugu nasiibka xumaa ee soo mara dalka Kenya.

Shan jeer ayuu u tartamay xilka Madaxweynaha, mar walbana waa laga adkaanayay, isaga oo mar walbana sheegayeyay in doorashada la musuqmaasuqay.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laashay guushii uu Uhuru Kenyata ka gaaray doorashadi 2017-kii, waxayna amar ku bixisay in doorashada mar kale la qabto.

Odinga ayaa markaa qaaddacay ka qayb galka doorashada ku celiska ahayd isaga oo sheegay inuusan jirin nidaam sahlaya in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Doorashadii taas ka horreysay ee dhacday 2013-kii ayuu sidoo kale kula tartamay Uhuru Kenyatta isagoo markii natiijada lagu dhawaaqayna ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Raila Odinga

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

2007-dii ayuu Mr Odinga qaaddacay natiijadii doorashadii uu kula tartamay madaxweynihii hore ee Kenya Muwai Kibaki, muran ka dhacay doorashadaas ayaana sababay rabshado ay ku dhinteen in ka badan kun qof.

Markii ugu horraysay ee uu madaxweynenimo isku dayay waxay ahayd 1997-kii, markaas oo uu galay kaalinta saddexaad. Doorashadii xigtay ee dhacday 2002-dii kama uusan qeyb gelin Odinga.

Waa kuma Raila Odinga?

Raila waxaa dhalay madaxweyne ku xigeenkii koobaad ee dalka Kenya, Jaramogi Oginga Odinga.

Da’diisu waa 77, waxa uuna 7-dii bishii January, 1945 ku dhashay magaalada Maseno ee galbeedka Kenya.

Taageereyaashiisu waxay ku naanaysaan Agwambo iyo PAPA. Wuxuu wax ku soo bartay Barigii-Jermalka ee hore.

In ka badan 20 sano ayuu xildhibaan ka ahaa xaafadda isku raranta ah ee ugu wayn Afrika ee Kibera.

Dadka ugu badan ee taageera waa qawmiyaddiisa Luo oo degta gobolka Nyanza ee dhaca koonfurta-galbeed ee dalka, halkaas oo ah meeshii uu ku dhashay iskuulkana ka dhigtay.

BBC

Hadalsame Media