”Labadan kooxood middood ii keen ama iga tag!” – 2 kooxood oo uu Ronaldo middood aad u doonayey oo la shaaciyey

0

(London) 24 Jan 2023 – Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dalbaday wakiilka sare ee Jorge Mendes inuu u keeno midkood Bayern Munich ama Chelsea xagaagii hore – kahor inta aysan meesha ka bixin suurtagalnimadaasi kaddib markii ay labada kooxoodba ka cabsadeen inuusan diyaar ahayn jir ahaan xiddigga oo seegay tababarka xilli horaadka is diyaarinta ah.

Waraysiga ayaa horseeday in 37-jirkani uu ka tago Manchester United iyo inuu saxiixo heshiis uu £175m oo gini sanadkiiba uga qaadanayo kooxda Sacuudiga ka dhisan ee Al-Nassr – iyadoo wareegitaankiisa uu fududeeyey saaxiibkiis ay isku dhow yihiin ee Ricky Regufe.

Warbixin uu qoray wargayska Isbaanishka ah ee  El Mundo ayaa daaha ka qaaday in Ronaldo uu Mendes siiyey go’aan kama dambays ah xagaagii hore xilli uu xiddiggu si quus ah u doonayey in uu isaga tago United kaddib markii ay kooxdu ku fashilantay inay xaqiijiso usoo bixitaanka tartanka Champions League.

“Bayern, Chelsea mid ii keen ama waan kala tagnay,” ayaa Ronaldo lagu soo warramayaa inuu Ronie dalbaday, “kaddib markii uu wakiilka wayn ee Jorge Mendes u sheegay Ronaldo sida aanu ula qabin go’aamo badan oo uu qaatay sanadihii ugu dambeeyey, oo uu ugu horreeyo inuu ka tago Real Madrid oo uu aado Juventus.

Hadalsame Media