Carragher & Neville oo codeeyey kooxda ku guulaysanaysa horyaalka EPL (Yaa geli kara 4-ta sare?)

0

(London) 24 Jan 2023 – Laacibkii hore ee daafaca u ahaa kooxda Reds ee Jamie Carragher ayaa ku taageeray Arsenal inay sii wadan doonto qaab ciyaareedkeeda wanaagsan ee natiijada leh ilaa ay ku guulaysato Premier League isagoo samaynaya saadaashiisa bartamaha xilli ciyaareedka.

Gunners ayaa 5 dhibcood oo nadiif ah ku haysa hoggaanka horyaalka iyadoo kulan u harsan yahay kooxda ay xafiiltamaan ee ugu soo dhow ee Manchester City, laakiin kala bar xilli ciyaareedka ayaa weli u harsan kooxda Mikel Arteta si ay u ogaadaan inay ku guulaysanayaan horyaalkoodii ugu horreeyay muddo ku dhow 20 sano iyo in kale.

Dhanka kale Gary Neville oo u safan jirey Man United, ayaa taageeray City oo uu sheegay inay cayrsan doonto kooxda reer London, isagoo ku adkaystay in kooxda haysata horyaalku ay wali ku mashquulsan tahay sidii ay u difaacan lahayd taajkeeda.

Carragher ayaa isagu ku doodaya in Arsenal ay cududdeeda ku muujisay bandhiggeeda joogtada ah iyo sida ay ula ciyaartay kooxaha waawayn iyo inay leedahay daafac bir ah.

Halka Neville uu qabo in City ay ka khibrad badan tahay Gunners oo marka ay gashato marshada 5-aad ay ugaarsan doonto Gunners oo ay kusoo fool leeyihiin bilaha dhibka badan ee Maarso iyo Abriil, sida uu qabo.

Sidoo kale waxay u kala codeeyeen boosaska ay kooxuhu ku dhamaysan karaan ee halkan ka eeg.

Hadalsame Media

Facebook Comments