Su’aalo kasoo noqday warkii uu Jamaal Cismaan sheegay markii Muqdisho laga soo celiyey

0

(Hadalsame) 23 Jan 2023 – Weriye Jamaal Cismaan ayaa dhowaan waraysi uu bixiyey aad ugu eedeeyey madaxda DF iyo howlwadeenno ka tirsan Nabad Sugidda NISA. Ha yeeshee, dood ayaa kasoo noqotay wixii uu sheegay waxaana laga qoray maqaalkan.

Runtii Cali Xaraare waa ruugcadaa, waxaan daawaday baadhis kooban iyo naqdin uu ka sameeyey safarkii Wariye Jamal ku tegay Muqdisho, sababtii loo soo eryey iyo warraysigii Jamal bixiyey markuu London ku laabtay ee uu arrintaa kaga hadlay.

Cali wuxuu iswaydiiyey dhawr su’aalood oo ay kamid ahaayeen:-
Siduu Jamaal sheegay, mudo laba todobaad ah ilaa saacaddii uu London kasoo duulay iyo daqiiqadii uu madaarka Muqdisho ka degay wuxuu safarkiisa ku wargelinayey Xafiiska Raysal Wasaaraha!

– Muxuu ahaa Dambiga uu isku ogaa ee ka cabsanayey?
– Miyaanu ahayn Muwaadin dalkiisi tagaya muxuu uga baahnaa in safarkiisa la ogaado?
– Raysalwasaaruhu ma Hoteelada ayuu ka shaqeeyaa oo dadka usii qabtaa maxaa ka galay safarka wariyaha haddii aannu ahayn nin cabsanayey oo Dambiile ah?

Cali wuxuu kaloo soo qaatay weerarkii Jamal ku qaaday Taliyaha Madaarka Muqdisho.
Gabadha Xamdi ee ah Taliyaha Nisa ee Airportka Muqdisho waa qof aad u kaftanta sidaan ogaanay oo baadhnay Jamal waxay ku tidhi, Jamaaloow nimankii Alshabaab ee aad tidhi dalka ayey qabsan doonaan, waa laga adkaadee Ciidamada dalka iyo kacdoonka shacabka maxaad warbixin uga soo diyaarin wayday?

Jamaal wuxuu ku jawaabay Ciidamada kuma kalsooni iyo ma aaminayo! Xamdi waxay ku celisay iyadoo qoslaysa laakiin saaxiibadaa (Alshabaab) waad ku kalsoon tahay? Kadib wuu xanaaqay.

Intaa ayuu Xamdi ku qaniinay oo yidhi Xamdi ayaa qabyaalad igula hadashay oo i tidhi ku noqo meeshaadi baas iyo jigjigadii aad ka timi!

Gabadhaa been abuur cad buu ku sameeyey, cida qabyaalada ku dhaqantaa waa isaga, oo Alshabaab waxa u geeyaa waa Adeerkii Ahmed Madoobe, Raysal Wasaaraha wuxuu ula soo xidhiidhayeyna waa qabyaalad! Markii ay u shaqayn waydayna waa kaas Raysal Wasaarihii caayaya.

Cali Xaraare waa runtii, oo anigu shakhsiyan intaan Xamdi ka aqaan, sakaaladaasi, maaha qof leh dhaqanka foosha xun ee uu ninkaa Jamaal ku masabiday, waana qof dawladnimada kusoo dhex jirtay mudo ku dhow 20 sanno, oo xilal kala duwan kasoo qabatay sadexdii Madaxwayne ee u dambeeyey, laguna aaminay goobaha halbowleyaasha dalka u ah.

Sababta labbaad ee Jamal Muqdisho looga soo saaray!

Jamal waxaa laga war helay inuu wado Barnaamij uu ku sheegay inuu ka diyaarinayo Muuqaalada qaawan ee laga duubo Hablaha, barnaamijkaasi oo la doonayey in lagu muujiyo magac dil iyo sawir xun oo uu doonayey inay xoojin u noqoto dooddaha Alshabaab.

Nasiib wanaag Jamaal isagaa fashiliyey ujeedadii qarsoonayd ee barnaamijkaas wuxuuna warraysigiisi ku sheegay, in Madaxda dawladdu Muuqaalada qaawan ka duubaan hablaha.

Halkaa waxa kujirta iswaydiinta ah, Jamaal sidee ku ogaaday ilaa weli muu samayn Barnaamij mana jirto baadhis u suurtagashee?

Ugu dambayn Jamaal, Ummadda oo dhan baan maanta isku si u wada baratay Shaqada uu hayo.

W; Q: Cabdirisaaq Terra

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media