“Waa noocii Arsenal” – Taageerayaasha Gunners & Khubarada EPL oo durba amaan kala dul dhacay Trossard (Daawo)

0

(London) 23 Jan 2023 – Laacibka Jamie Redknapp ayaa Leandro Trossard ku tilmaamay ‘nooca ciyaaryahan ee ay caadiyan Arsenal u baahnayd’ kaddib bandhiggiisa guushii ay xalay ka gaareen Manchester United.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgian-ka – oo dhamaystiray £27milyan oo ginni oo uu ugu dhaqaaqay woqooyiga London todobaadkan – ayaa ciyaarta dhanba soo galay daqiiqaddii 82-aad ee ciyaarta, taasoo ay kooxdiisu ku badisay 3-2.

Trossard ayaa xitaa gacan ka gaystey goolkii guusha, waxaana ciyaarta kaddib lagu hafiyey sacab, iyadoo khabiirka Sky Sports ee Jamie Redknapp uu ku tilmaamay ciyaaryahankan khadka dhexe ‘mid lagu helay qiime jaban’.

Isagoo hadlayey ciyaarta kaddib, Redknapp wuxuu yiri: ‘Markii ay heli waayeen Mudryk, waxaa laga yaabaa inuu jirey argagax.

“Laakin Trossard waxa uu muujiyay 15 daqiiqo kaddib inuu saxiix fiican u noqon doono Arsenal.

Waa ciyaaryahan caadiyan ku habboon Arsenal. £22 milyan oo ginina waa qiime ka yar midka uu u qalmo.” Ayuu raaciyey Redknapp.

 

 

 

 

Hadalsame Media