Chelsea oo suuqa ku bixisay £238m oo gini oo misna doonaysa laacib kale oo ku fadhiya £112m oo gini

0

(London) 23 Jan 2023 – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso inay mar kale isku daydo saxiixa xiddigga khadka dhexe ee xulka qaranka Argentina ee ku guulaystey Koobka Adduunka, Enzo Fernandez, marka la gaaro suuqa Janaayo.

Walow ay ku guuldarraysteen dadaalkii ay ku doonayeen inay ku soo xerogeliyaan xiddigga Benfica horraantii bishan, markii dalabkoodii uu waafiqi waayey midka Benfica, waxaa laga soo sheegay Portugal in Chelsea ay dib ugu laaban doonto ciyaaryahankan khadka dhexe.

Sida uu qorayo Record, kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaan weli ka rajo dhigin soo xero gelinta 22-jirkan, waxaana ay qorshaynayaan inay dhaqaaq kale sameeyaan kahor inta uusan xirmin suuqa jiilaalku.

Chelsea waxaa laga diidey dalab ku kacaya £112 milyan oo ginni – taasoo £6m ka badan qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa – waxaase la diidey habka loo qaabeeyey in lagu bixiyo oo ahaa saddex qaybood oo min £37.3m ah markiiba muddo saddex sano ah.

Si kastaba ha ahaatee, Benfica ayaa ku doodday in qaab dhismeedka uusan ku haboonayn iyaga, inkastoo Fernandez uu aad iskugu dayayo inuu ka tago kooxda reer Portugal.

Todd Boehly ayaa horraanna £238m ku kharash gareeyey kooxda Graham Potter tan iyo markii uu iibsadey.

Hadalsame Media