6 talo oo muhim ah oo ku aaddan sida ugu fiican ee loo wajahayo xaaladda Laascaanood

0

(Hadalsame) 23 Jan 2023 – Reer Khaatumo iyo 6 talo oo muhim ah oo ku saabsan masiirkooda.

1. Taladiinna idinkaaa leh. Idinka keligiin. Sidii geed koraya si dabiici ha ugu baxdo. Waqtigeedana ha qaadato.

2. Hanti qof kale ha qaadannina. Waxaa la socda sun iyo gunnimo. Wallaahi inaydaan shilin u baahnayn. Baahi laga maarmo ha abuurina. Laascaanood keliya hantida taal ayaa dhawr sano idinku filan. Waa haddii la bixiyo oo la beekhaamiyo.

3. Madax-dhaqameedka ku lammaaniya rag maamulka yaqaan. Kama hadlayo dad aqoonyahan la yiraahdo. Dad maamul qorshayntiis iyo fulintiis yaqaan.

4. Kacdoonku nac qabiil ha ka sarreeyo. Waa ummad masiirkeed. Dood yacyacood ah oo ma dhalays ah yaan la idinku leexin.

5. Qof miyir qaba ma dhihi doono maxaad dantiinna uga tashateen ee idinku qof walba ha u jawaabina. Wax aad meel dhaw ka heli kartaan, meel fog yaanu idiinka bidhaamin.

6. Waxaad rabtaan yaanu indhihiinna kahor dhaqaaqin. Hay’ado iyo dawlado ‘talooyin’ wada ayaa idinku soo jabaya. Taad idinku rabtaan ka raacda.

Waan hubaa inaad xataa taladaan ka maarantaan.

W; Q: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media