Taageerayaasha Liverpool & Chelsea oo uu dagaal culusi shalay dhexmaray & Dad wax ku noqday (Daawo)

0

(Liverpool) 22 Jan 2023 – Tani waa dhacdadii naxdinta lahayd ee dagaal ba’an oo dhex maray taageerayaasha kubbadda cagta bannaanka Wetherspoons ee Liverpool – iyadoo la arkayey rag feer isla dhacaya iyo qaar dhalooyin tuuraya kaddib markii ay Chelsea barbaro goolal la’aan ah ku gashay gegada Anfield.

Saddex nin ayaa la xirey kaddib markii uu dagaal adagi ka dhacay bannaanka The Thomas Frost ee Walton Road, Kirkdale, shalay galab abaaro 3pm – hal saac kaddib ciyaartii Chelsea iyo Liverpool.

Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa ku andacoonaya in dagaalku uu dhexmaray taageereyaal iska soo horjeeda oo isku dhacay – iyadoo muuqaallo lagasoo duubay ay muujinayaan dhalooyin quraarado ah oo la tuurayo iyadoo la maqlayey haweeney ku qeylinaysa ‘naga baxa, naga baxa’.

Waxaa la arkayey hal nin oo dhulka jiifey meel ka horjeedda gaadiidka jidka socdey iyadoo qaar kalena ay laad iyo feerar isla dhacayeen.

Hadalsame Media