“Faraantigaygii iisoo celi!” – Gabar Soomaali ah oo dacwo kala kulantay ciyaaryahan ay saaxiib la ahayd + Sawirro

0

(Hadalsame) 23 Jan 2023 Maya Jama oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in loo diray warqad sharci ah oo ay lagaga dalbanayo inay soo celiso faraantigii uu ku alkuntay Ben Simmons oo uu ka bixiyey sanadkii hore £800,000 oo gini isagoo ka kooban dahab iyo dheeman raf ah.

Martigeliyaha cusub ee Barnaamijka Love Island, 28-jir, iyo ciyaartooygan kubbadda kolayga, 26-jir, ayaa kala haray xagaagii hore kaddib jacayl duufaani kaxaynaysey si ay labadooduba diiradda u saaraan xirfadahooda.

Ben ayaa bishii Diseembar ee sanadkii 2021-kii guur usoo bandhigtay Maya oo xilligaa fasaxa jiilaalka kula qaadanaysey gurigiisa ku fadhiya £3.7 milyan oo ginni oo ku yaal New Jersey.

Yeelkeede, haatan wuxuu kusoo noqday Maya oo uu ka codsaday in loosoo celiyo faraantigii qaaliga ahaa ee dahabka qaaliga ah iyo dheemanka ka samaysnaa maadaama uu jacaylkoodii fashilmay.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay The Sun: “Ben waligiis, hadda kahor, ma uusan waydiisan dib u soo celinta faraantigan, warqaddanina la yaab ayay ku noqotay Maya” oo aan kharashkan bixin karin.

Labadan qof ayaa lahaa xiriir fog, iyadoo inta badan ay Maya u safri jirtey Maraykanka, halkaas oo uu kubbadda kolayga Ben ugu ciyaaro kooxda Brooklyn Nets.

Maya iyo Ben ayaa markii ugu horreeysey xiriir jacayl yeeshay Juun 2021 kaddib markii lagu arkay xilli habeen ah iyagoo wada jooga makhaayadda Sexy Fish ee Mayfair, London.

NEW YORK, NEW YORK – APRIL 04: Ben Simmons (L) and Maya Jama are seen in Tribeca on April 04, 2022 in New York City. (Photo by Gotham/GC Images)

Hadalsame Media