Arsenal oo samaysay arrin aysan ku dhicin koox kale oo EPL ah sanadkan (Rikoodhadii ka dhacay kulankii ay ka badiyeen Man Utd)

0

(London) 22 Jan 2023 – Kooxda Arsenal ayaa sii wadatay ruclihii ay ugu jirtey hanashada horyaalka Premier League kaddib markii ay 3-2 ku garaacday kooxda Manchester United kulan adag oo dhexsaday camaaliqooyinka.

Haddaba aannu eegno rikoodhadii laga diiwaan geliyey kulankan ay Gunners hoggaanka ku durugsatay ilaa 5 dhibcood ee ay labada kooxi sameeyeen kuwii ugu xiisaha badnaa:

1 – Arsenal ayaa 63 kubadood ku taabatay sanduuqa ama diilinta ganaaxa ee Manchester United kulankaan. Ma jirto koox kale oo intaa ka samaysay hal kulan oo Premier League ah fasalkan 2022-23 ilaa hadda.

2 – EddieNketiah waa ciyaaryahankii labaad ee Arsenal ah ee 90-ka’ daqiiqo gool guul ah ka dhaliya Manchester United dhanka Premier League, kaddib Thierry Henry bishii Janaayo 2007-dii.

3 – Lisandro Martínez waa ciyaaryahankii 7-aad ee reer Argentine ah ee gool Premier League uga dhaliya Man United, waana mid ay koox kasta uga badan tahay (sidoo kale waxaa u dhaliyey Carlos Tevez, Juan Sebastián Verón, Ángel Di María, Marcos Rojo, Gabriel Heinze iyo Alejandro Garnacho).

4 – Bukayo Saka waa ciyaaryahankii seddexaad ee Arsenal ah ee gool dhaliya seddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay wajaheen Manchester United, kaddib Freddie Ljungberg (1998-2000) iyo Thierry Henry (2000-2001).

5 – Eddie Nketiah ayaa dhaliyey 18 gool 26-kii kulan ee ugu dambeeyey ee uu kusoo bilowday safka Arsenal tartamada oo dhan, kuwaasoo ay ku jiraan 12 gool 13-kii kulan ee ugu dambeeyey uu ku soo bilowday gegada Emirates Stadium.

6 – Marcus Rashford ayaa dhaliyey sagaal gool tartamada oo dhan tan iyo markii uu dhamaaday Koobka Adduunku, waana ciyaaryahanka ugu badan ee ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waawayn Yurub ee sidaa sameeya.

Hadalsame Media