Maraykanka oo qiray inay aad u ”adag tahay” in Ruushka xoog looga saaro Ukraine

0

(Washington) 21 Jan 2023 – Ukraine way ku dhibtoon doontaa inay ka dhabayso ballanqaadkeedii ahaa inay ciidamada Ruushka ka saarayso dhulkeeda, sida uu qabo Abaanduulka Guud ee Ciidamada Maraykanka, Mark Milley.

Xilli ay saraakiisha rayidka ah ee Washington ay ku adkaysanayaan in Kiev ay tahay inay sii wadaan dagaalka, Milley ayaa marar badan su’aal galiyey fursadaha guuleed ee ay haystaan.

“Madaxwayne Biden, Madaxwayne Zelensky, iyo inta badan hogaamiyayaasha Yurub waxay sheegeen in dagaalkan ay u badan yahay inuu ku dhamaado wada xaajood,” Milley ayaa sidaa yiri intii lagu jirey shirkii Kooxda Xiriirka Difaaca ee Maraykanka uu hoggaamiyo ee ka dhacay Saldhigga Cirka ee Ramstein ee Jarmanka.

“Marka laga eego dhinaca millateriga, kani waa dagaal aad iyo aad u adag,” ayuu raaciyey.

Maraykanka oo kaliya ayaa Ukraine u qoondeeyey in ka badan $110 bilyan oo gargaar millateri iyo dhaqaale ah tan iyo bishii Febraayo ee la soo dhaafay – isagoo siinaya hub aad u culus, oo ay ku jiraan baabuurta dagaalka ee lugta, nidaamyada daafaca cirka, iyo in ka badan hal milyan oo madaafiicda goobta ah.

“Weli waxaan ku adkaysanayaa in sanadkan, ay aad iyo aad u adag tahay in millateri ahaan looga saaro ciidamada Ruushka inji kasta oo ka mid ah gobollada Ukraine ee uu Ruushku qabsaday,” ayuu Milley raaciyey.

Wuxuu tixraacayaa afarta gobol ee Ukraine ee ay Moscow ku doodayso inay u codeeyeen inay ku biiraan Ruushka bishii Sebtembar iyo Crimea oo ay horay u xuf-goosteen 2014-kii.

Hadalsame Media