”Waa tillaabo foolxun oo Muslim nacayb ah” – Turkiga oo baajiyey booqasho uu berri dalkaa ku tegi lahaa Wasiirka Difaaca Sweden & Khaladka ay Sweden samaysay

0

(Ankara) 21 Jan 2023 – Turkiga ayaa baajiyey booqasho uu qorshaynayay Wasiirka Difaaca Sweden Sabtigan isagoo ka fal-celinaya mudaaharaadyo looga soo horjeedo Turkiga iyo Islaamka oo ka dhacay dalkan dhaca woqooyiga Yurub, waxaana ay markii dambe si adag u cambaareeyeen “weerar fool xun” oo lagu qaaday Qur’aanka, intii ay socdeen wax lagu sheegay mudaaharaadyo.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa weerarkii foosha xumaa ee lagu qaaday kitaabkeenna Qur’aanka Kariimka ah oo ka dhacay dalka Sweden maanta (Jan. 21), tiiyoo aan digniinteenna ku celcelinney,” ayay tiri Wasaarad Dibadeedka Turkigu.

Turkiga oo falkan ku tilmaantay “dembi nacayb ah oo cad,” ayaa tibaxay in “Oggolaanshaha falkan ka dhanka ah Islaamka, ee lagu beegsanayo Muslimiinta, laguna aflagaadaynayo qiyamkeenna muqadaska ah, iyadoo lagu dhuumanayo xorriyadda hadalka uu gebi ahaanba yahay wax aan la aqbali karin, .”

Wasaaraddu waxay tiri: “Falkan foosha xun ayaa markale ah tusaale kale oo muujinaya heerka naxdinta leh ee Islaam nacaybka iyo dhaqdhaqaaqa cunsuriyadda iyo midab-takoorku ay ka gaareen Yurub”, iyagoo Muslimiinta Sweden ku boorriyey inay tillaabo qaadaan.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ku boorrisey dhammaan waddamada iyo ururrada caalamiga ah inay qaadaan tillaabooyin la taaban karo “si looga soo wada horjeesto Islaam nacaybka.”

Cambaareynta Turkiga ayaa timid kaddib markii Rasmus Paludan, oo ah nin qaswade ah oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Denmark ee Stram Kurs (Hard Line), loo ogolaaday inuu Qur’aanka ku gubo afaafka hore ee Safaarada Turkiga ee Stockholm.

Turkiga ayaa tillaabadan nacasnimada ah ee Sweden uga jawaabtey inay baajiso booqasho soo socotey oo uu Wasiirka Difaaca Sweden ee Pal Jonson uu ku tegi lahaa Turkiga si ay ugala hadlaan ku biiritaankooda NATO oo ay Turkigu horay u diideen maadaama ay Sweden taageerto kooxda xagjirka ah ee PKK oo qaraxyo ka gaysata Turkiga.

Hadalsame Media