RASMI: Juventus oo ganaax culus la dul dhigay & Kooxo kale oo dembi lagu waayey (Fursadda u furan)

0

(Hadalsame) 20 Jan 2023 – Maxkamada racfaanka ee federaalka ayaa aqbashay kiiska Giuseppe Chiné ee uu keenay Dacwad Oogaha Xiriirka FIGC waxayna dib u furtay dacwaddii isboorti ee ka dhanka ahayd Juventus iyo madaxdeeda oo lagu helay inay ka been sheegeen dakhligooda raasumaal waxaana laga jaray 15-dhibcood.

Waxaa sidoo kale dembi lagu waayey kooxaha kale ee arrimahan oo kale lagu soo eedeeyey, oo ay ku jiraan SampdoriaEmpoliGenoa, Parma, Pisa, Pescara, Pro Vercelli iyo Novara.

Chiné ayaa kalita waydiistey in Juventus sagaal dhibcood laga jaro, sidoo kalena laga ganaaxo maamulkii hore sida Andrea Agnelli, Fabio Paratici, Federico Cherubini iyo inta kale ee guddiga maamulka.

Yeelkeede, Maxkamadda Racfaanka Federaalka ayaa go’aan ku gaartey in Bianconeri laga jaro 15-dhibcood, taasoo ka dhigan inay haatan leedahay 22-dhibcood dhanka kala sarraynta horyaalka iyadoo taalla kaalinta 10-aad halkii ay awal 3-aad ku jirtey.

11 qof oo ka tirsanaa Maamulkii is casiley ee Juventus ayaa iyana la ganaaxey oo ciyaaraha laga mamnuucay (30 bilood Paratici, 24 bilood Agnelli iyo Arrivabene, 16 bilood Cherubini, min 8 bilood Nedved, Garimberti, Vellano, Venier, Hughes, Marilungo iyo Roncaglio).

ANSA waxay faahfaahin ka bixisay sida uu Dacwad Oogaha FIGC ee Giuseppe Chiné uu Bianconeri ugu helay daah-furyo cusub oo kasoo baxay baaritaanka loo yaqaan Prisma, kaas oo lagu falanqaynayey dhaqammada maaliyadeed ee kooxda ee dhowaanahan iyo eedaymaha lacago mushaar ah oo sir ah oo ciyaartooyda lagula heshiiyey marxaladihii hore ee cudurka COVID.

Juve ayaa rafcaan ka qaadan karta xukunkan si looga farageliyo ugu yaraan waana fursadda qura ee haatan u furan.

Hadalsame Media