Maraykanka oo bilaabaya barnaamij u qaab eg midka Group 5 oo uu qaxooti cusub ku qaadanayo & Sida uu u shaqeeyo (Daawo)

0

(Washington) 21 Jan 2022 – Maraykanka ayaa waxa uu bilaabayaa barnaamij dib u dejin ah oo gaar ah oo lagu magacaabo Welcome Corps, kaasoo u qaab eg midka Group 5 ee dalka Canada.

Hindisahani waxa uu dadka Maraykanka ah iyo ururro gaar ah awood u siinayaa inay si toos ah ugu dacwoodaan qaxootiga iyagoo dacwad u furaya qofka ama qoysaska si dib loogu dejiyo Maraykanka, wuxuuna hoos tegayaa Barnaamijka Qaabilaadda Qaxootiga ee  USRAP oo soo jirey tan iyo 1980-kii.

6-da bilood ee sanadkan ugu horreeya waxaa dadka la qaadanayo saldhig u ah qaxootigii horay ugu calaamadaysnaa Barnaamijka USRAP, iyadoo ay howsha isla wadaan Wasaarad Dibadeedka Maraykanka iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Insaanka.

Yeelkeede, wixii ka bilowda bartamaha sanadkan 2023 waxay dadku awoodi doonaan inay si gaar ah USRAP farta ugu fiiqaan oo dacwo u xareeyaan qaxootiga ay doonayaan in dalkaa dib u dejin looga sameeyo.

Hoos ka daawo hadalka Wasiir Dibadeedka dalkaasi ee Antony J. Blinken.


Hadalsame Media