Maxay DF Somalia & Maamulka Somaliland ka faa’iidi karaan dhoollatuska Berbera (Ciidamo durba soo gaarey)

0

(Hadalsame) 14 Jan 2022 – Taliska Ciidamada Isku Dhafka ah ee Geeska Afrika ka jooga Maraykanka ayaa shalay sheegay inay dhoollatus ka samayn doonaan magaalada Berbera ee woqooyiga Somalia.

Dhoollatuskan oo lagu magacaabo Justified Accord ayaa waxaa ka qaybgelaya dalalka Maraykanka, waxaana uu ka dhici doonaa Berbera, Botswana, Uganda, Djibouti, Kenya iyo Somalia.

Saraakil ka tirsan Ciidamada Maraykanka ee wada abaabulka dhoollatuskan ayaa durba Garoonka magaalada Berbera ku sugan haatan si ay Ciidamada Maamulka Somaliland isula eegaan agaasinka dhoollatuska.

Tillaabadan ayaa la filayaa inay soo dedejisey joogitaanka Shiinaha ee Gobolka, Maraykanka ayaa sidoo kale isha ku haya Ruushka oo isna jooga gobolka, iyadoo uu Maraykanku cayrsanayo dano istaraatiji ah oo uu isagu wato, balse ma cadda wax micne leh oo ay Soomaalidu arrintan ka heli doonto, gaar ahaan xilligan oo aanay jirin siyaasad guud oo ka shaqaysa dalka Somalia, taasoo keenaysa in qolaba la isticmaalo markii loo baahdo oo qura.

Hadalsame Media