Istaraatijiyad cusub oo ay dejiyeen Ciidamada Ammaanka DF oo Muqdisho ka hirgashay + Sawirro

0

(Muqdisho) 14 Jan 2022 – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Degmada Dharkaynlay ee Gobolka Banaadir KA FULIYEY howlgal gara ah.

Ciidamada NISA ayaa waxay howlgalkaa kusoo qabteen Haweeney lagu sheegay in gurigeeda uu ku kaydsanaa hub iyo walxaha qarxa oo faraha badan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in haatan uu socdo baaritaan lagu hayo haweenaydan iyo hubka lagu soo qabtay si loo ogaado haddii ay jirro shabkad ballaaran oo ay ka tirsan tahay, islamarkaana baaritaan kaddib loo gudbin doono Maxkamad.

Howlgalkaan guulaystey ayaa ku soo aadaya xilli shacabka Muqdisho ay bilaabeen inay iska soo dhex qabtaan wax ay DF Somalia ugu magac dartay ”garan-waa” bulshada ku dhex jira, iyadoo shacabka la faray inay soo sheegaan wixii ay ka shakiyaan.

Hadalsame Media