Nin MW ka noqday dal aan Carab ahayn oo sheegtay inuu Quraysh kasoo jeedo (Buug uu qoray)

0

(Hadalsame) 12 Jan 2023 – Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf waxa uu yidhi:

“Hooyaday awowgeed wuxu ahaa maamule ku xigeenka Dakhliga (Revenue) magaalada Delhi. Waxaanu inantiisii AMNA KHATOON, oo ah ayeyday hooyo siiyay SAYID SHARFUDIIN, oo ahaa awowgay aabbo (Paternal Grandfather).

Awowgay Sayid Sharfudiin wuxu ka soo jeeday qoyskii Nebi Muxamed (CSW). Qoyska aabbahay muddo dhawr fac ah ka hor ayaanay ka soo guureen Sucuudiga.”

Anniga oo la yaabban sheeko guridii aan ku soo barbaaray ee ahayd in SHEEKH ISAXAAQ durriyadii rasuulka ahaa, oo u geeska bari u soo haajiray, oo aanu asal ahaan Carabtii Quraysheed, gaar ahaan reer Bani Haashim nahay, ayaan buugga in the Line of Fire, ee u Musharaf sooyaalka noloshiisa ka qoray akhriyey.

Dabadeedna waxan oggaaday inay jiraan dadyow kale oo muslimiin ah oo qabaa’il iyo qoysasba leh, oo sheegta ama aamminsan inay tafiirtii qoyskii Nebi Maxamed yihiin (durriyaddii rasuulka), sida qoyska u ninkan madaxwaynaha ka noqday Pakistan ee Musharraf ka dhashay.

Waxan ka soo xigtay buugga In the Line of Fire, ee u qoray Pervez Musharraf boggiisa 12-13aad.

FG: Aniu 100% waan aaminsan ahay inay khuraafaad yihiin waxaasi. Weligayna ma aaminin, sababta oo ah waa wax aanan sinaba xaqiiqanimadeeda ku gaadhi karin. Laakiin inan Soomaali ahay kun arrimood oo caddaynaya ayaa jira.

W; Q: Maxamed Cali-Ruush

Hadalsame Media