RASMI: Xiriirka FA-ga oo baaris ku bilaabay musuq & khamaar looga shakisan yahay kulankii Oxford v Arsenal (Taageerayaal Arsenal ah oo…)

0

(London) 11 Jan 2023 – Xiriirka Kubbada Cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa furay baaritaan lagu samaynayo shaki laga qabo in lagu khamaaray jaalle uu qaatay difaaca Oxford ee Ciaron Brown kulankii Isniinta ee FA Cup-ka ay la yeesheen Arsenal oo ka badisay.

Sportsmail ayaa waxay ogaatey in FA-gu ay hayaan galal cadaymo ah oo la xiriira musuqmaasuq la tuhmayo, oo ay ku jiraan farriimo telefoon oo la sheegay in la isu diray kahor intii aanay bilaabanin ciyaartii garoonka Kassam Stadium kuwaasoo sheegaya in jaallaha Brown lagu sii sharatamay taasoo hal qof ugu kacday in ka badan £1,600 oo gini.

Hal farriin ayaa la fahamsan yahay inay muujinayso warqad muujinaysa in sharad ku fadhiya ku dhowaad 200 oo gini la dulsaaray in Brown jaalle la siiyey iyadoo uu suurtagalnimadu tahay 8-1.

Daafaca 24-sano jirka ah ee Woqooyiga Ireland ayaa daqiiqaddii 59-aad kaarka digniinta ah qaatay kaddib markii uu khalad ka galay garab-weerarka Eddie Nketiah xilli ay ciyaartu weli ahayd 0-0, afar daqiiqo kahor intii aanu Mohamed Elneny hoggaanka u dhiibin Arsenal.

Ma cadda inta khamaar ee lagu dhigtay jaallaha Brown iyo inta hay’dood ee khamaar ee ku leh, laakiin FA-ga ayaa arrinta si dhab ah u wajahaya haatan oo baaris ku wada.

Tan ugu darani waa in goobjoogayaal ku sugnaa ciyaartu ay u sheegeen Sportsmail inay arkeen dhowr taageere oo Arsenal ah oo dabbaaldegaya kaddib markii Brown uu jaallaha qaatay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay xitaa iskugu faanayeen inay ku guulaysteen boqollaal gini.

Hadalsame Media