Fanaanadda Malyuun Maanka oo ka hadashay wararka sheegaya in la xirtey iyada oo tahriibaysa

0

(Hadalsame) 11 Jan 2023 – Waxaa beryahan soo baxayey warar sheegayey in fanaanadda Malyuun Maanka oo ay wehlinayaan fannaaniin kale ay u tahriibeen dalka Maraykanka iyagoo maraya bartamaha Ameerika.

Wararkan, oo baraha bulshada aad loogu qaadaa dhigayey, ayaa waxay intaa raacinayeen in la xirtey fannaanadda Malyuun Maanka, balse haatan iyada ayaa arrintaa ka hadashay iyadoo ku tilmaantay wax kasoo baxay dad ”xumaan la jecel iyada.”

”Dad badan ayaa mooda in aan xiran ahay marka aan baraha bulshada ka maqnaaa hal todobaad,” ayay qoraal kooban oo muuqaal wata oo ay soo saartay ku sheegtay.

”Ma xirni mana tahriibin ee danahayga iyo howlo ii gaar ah ayaan baraha bulshada uga maqnaa ee yaan camal la iga dhiganin dadka ku haya way xiran tahayoow. Inta qalbiga wanaagsani kuma jiraan.” ayay raacisay.

Hadalsame Media

Facebook Comments