FA-ga Ingiriiska oo bilaabay inay la wareegaan telefoonnada & Laptop-yada dadka lagu tuhmayo khamaarka kulankii Oxford v Arsenal

0

(London) 11 Jan 2022 – Baarayaasha FA-ga ayaa waxay sheegeen inay eegi doonaan telefoonka Ciaron Brown iyagoo baadhi doona wicitaannadii dhowaa ee daafaca Oxford United, farriin-qoraalladii iyo degelladii baraha bulshada ee uu galay taasoo qayb ka ah baaritaankooda suurtagalnimada in lagu khamaaray guuldaradii FA Cup-ka kasoo gaartey Arsenal Isniintii.

Sportsmail ayaa xalay daaha ka qaaday in FA-gu ay bilaabeen baaritaanka kaddib markii ay heleen cadaymo muujinaya khiyaano khamaar la xiriirta, iyadoo ay ku jiraan farriimo WhatsApp ah kahor intii aysan bilaabmin ciyaartu iyadoo lagu sii heshiiyey in Brown uu jaalle qaadan doono kulanka wareegga saddexaad ee Isniinta.

FA-gu waxay awood u leeyihiin inay waraystaan dhammaan dhinacyada ay arrintani lugaha la gasho iyo inay dalbadaan inay gacanta ku dhigaan telefoonada iyo laptop-yadooda, iyada oo marka hore diiradda la saarayo Brown.

Daafaca 24-sano jirka ah ee Northern Ireland ayaa jaalle qaatay daqiiqaddii 59-aad ee ciyaarta jeer ay ciyaartu weli gool la’aan ahayd kaddib markii uu tuuray weeraryahanka Arsenal ee Eddie Nketiah kahor inta uusan riixin laacibka khadka dhexe ee Fabio Vieira.

Ma cadda inta khamaar ee lagu dhigtay jaallaha Brown iyo inta hay’dood ee khamaar ee ku leh, laakiin FA-ga ayaa arrinta si dhab ah u wajahaya haatan oo baaris ku wada.

Tan ugu darani waa in goobjoogayaal ku sugnaa ciyaartu ay u sheegeen Sportsmail inay arkeen dhowr taageere oo Arsenal ah oo dabbaaldegaya kaddib markii Brown uu jaallaha qaatay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay xitaa iskugu faanayeen inay ku guulaysteen boqollaal gini.

Hadalsame Media