Daalibaan oo soo bandhigtay gaarigii ugu horreeyey ee casri ah ee lagu sameeyo Afghanistan (Daawo)

0

(Kabul) 11 Jan 2022 – Kooxda Taliban ayaa soo bandhigtay gaarigii ugu horreeyey ee casri ah ee abid lagu farsameeyo laguna naqshadeeyo dalka Afghanistan.

Baabuurkan oo ah nooca qaaliga ah ee isboortiga loo yaqaan lana yiraahdo Mada 9 aadna u quruxda badan ayaa ah gunaanadka shan sano oo nashqadayn iyo horumarin ah oo ay hoggaaminayeen ilaa 30 injinneer oo ka tirsan shirkadda ENTOP iyo Machadka Farsamada Gacanta ee Afgaanistaan (ATVI) ee Kabul.

Uma badna inay haatan durba la tartamaan gawaarida qaaliga ah sida Bugatti iyo McLaren waayo mishiinka Mada 9 waa midka Toyota Corolla-da caadiga ah ee dalka Japan.

Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa si ku faanis leh usoo dhigay sawirrada gaarigan baraha bulshada wuxuuna sheegay in dhismihiisu uu ‘sharaf’ u yahay dalka oo dhan.

Si kastaba, waloow ay ku xarragoonayaan misna gaarigan laguma samaynin farsamo iyo qorshe Daalibaan toona.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media