”Xaalku waa nagu xun yahay” – MW Ukraine oo qirtay in culays lasoo saaray & Ruushka oo sheegay inay hal gantaal ku dileen 600 oo askari

0

(Kyiv) 09 Jan 2023 – Saraakiisha Ciidamada Ukraine  ayaa diidey sheegashada Ruushka ee ah in Kyiv ay dagaalkii ugu dambeeyey ku waayeen 600 oo ciidamadooda ka mid ah markii hal gantaal uu ku dhacay magaalo ku taal Donetsk, iyagoo dhanka Ukraine ay haatan ku doodayaan in aysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay dhacdadaasi.

Dhanka kale, warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in aysan jirin calaamado muuqda oo muujinaya khasaaraha ka dhashay goobta uu Ruushku ku andacoonayo inay ku bartilmaansadeen boqollaal askari oo Ukraine ah.

Mr Zelensky said: “Bakhmut is holding on despite everything. And even though most of the town has been destroyed by Russian strikes, our soldiers are repelling constant Russian attempts to advance.”

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ciidamada Ukraine ay difaacayaan magaalooyin iyo tuulooyin ku yaal bariga Ukraine wax lagu sheegay dagaalkii “ugu dhiigga badnaa” ilaa hadda, iyadoo MW Volodymyr Zelensky uu sheegay in iskahorimaadku uu galay maalintii 320-aad.

Mr Zelensky waxaa kale oo uu sheegay inay weli difaacayaan magaalooyinka “Bakhmut, Soledar iyo qaar kale inkastoo uu qiray in intooda badan ay Ruushku ku burburiyeen duqaymaha Ruushku, oo arrimuhu ay aad ugu adag yihiin”, sida uu yiri.

Ruushka ayaa dib u bilaabay weerarka kaddib markii Vladimir Putin  uu ku baaqay xabbad joojin hal dhinac ah oo loogu talagalay Ciidda ​​Ortodokska dhammaadkii todobaadka, inkasta oo aysan wax calaamad ah oo muujinayey inuu marna istaagey dagaalka jiidda hore.

Hadalsame Media