Daalibaan oo gashay heshiiskii ugu horreeyey ee caalami ah (Imisa milyan ayuu ku kacayaa maxaase lagu qabanayaa?)

0

(Kyiv) 09 Jan 2023 – Kooxda  Taliban ayaa heshiis la saxiixatay shirkad Shiinays ah si ay saliid uga soo saarto woqooyiga Afgaanistaan gaar ahaan Amu Darya basin xilli ay kooxdani isku dayayso inay dhaqaalaha dalkan oo saboolnimo iyo go’doon ku jira.

Heshiiska oo lala galay Shiinaha Xinjiang Central Asia Petroleum and Gas Co waa heshiiskii ugu horreeyey ee caalami ah oo dhanka tamarta ah lala gaaro Taliban tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta Afgaanistaan ​​2021-kii.

Shirkadda Shiinayska ah ayaa heshiiskan ku maalgelin doonta $540 milyan oo Doollar si ay u horumariso goobaha saliidda iyo gaaska ee dalkaasi, waana heshiis caalami ah kii ugu horreeyey kaddib markii ay isaga baxeen ciidamada Maraykanka oo 20 sano halkaa sharcidarro ku haystey.

Beijing ayaan Taliban u aqoonsaneyn inay tahay dowladda sharciga ah ee Afgaanistaan, balse waxay aqoonsan tahay in kooxdu ay gacanta ku hayso waddan deris ah oo leh khayraad dabiici ah oo aad u badan, taas oo ka dhigaysa mid muhiim u ah amniga dhaqaalaha Shiinaha iyo istiraatiijiyaddiisa horumar.

Sidaa darteed, Beijing waxay u badan tahay inay aaminsan tahay in maalgelinta Afgaanistaan, ay ka dhigi karto waddanka mid xasilloon iyada oo loo marayo jidka barwaaqaynta iyo horumarka.

Hadalsame Media