Ukraine oo Ruushka u adeegsatey hub dunida ku cusub oo loo adeegsado Hawada Sare + Sawirro (Hoggaamintiisa & Sida uu u shaqeeyo)

0

(Kyiv) 06 Jan 2023 – Sawirro laga helay firirka hubka goobta dagaalka Ukraine iyo Ruushka ayaa muujinaya in Ukraine ay adeegsanayso madfaca casriga ah ee 155 BONUS oo ah lidka taangiga oo aad u shiish saxan.

Waxaa madfacan wada sameeyey shirkadaha Bofors oo Sweden ah iyo Nexter oo Faransiiska ah. Wuxuu madfacani leeyahay tiknolojiyadda EFP IYO LIDAR oo shiishka iyo helidda bartilmaameedka ka saacida.

EFP iyo LIDAR – EFP wuxuu madfaca ka saacidaa inuu ka dusho gaadiid gaashaaman weliba sida ugu hufan. Sidoo kale, Bofors/Nexter 155 BONUS waa hub aad u saxan marka ay timaado helista bartilmaameedkeeda iyada oo la adeegsanayo saddex dareemayaal oo ku shaqeeya IR iyo LIDAR.

LIDAR waa tignoolajiyad wax ku raadisa iftiinka. Habkani waxa uu cabbirayaa fogaanta u dhaxaysa madfaca iyo bartilmaameedka cadawga iyada oo la isticmaalayo shucaaca layserka kaas oo xisaabinaya meesha uu bartilmaameedku u socdo isagoo cabbirka ka qaadanaya xawaarihiisa oo uu isna ka qiyaasay iftiinka, guuxa IWM. Habkan waxa sidoo kale loo yaqaannaa iskaan garaynta 3D.

LIDAR waa tignoolajiyad cusub gebi ahaanba taasoo loo isticmaalo kontoroolka socodka maraakiib-cireedyada iskood u duulaya iyo marka loo dirayo hawada sare sida meeraha Mars.

Sidee BONUS u shaqeysaa?

Madfaca Bofors/Nexter 155 BONUS waa sida soo socota: Kaddib marka la meel dhigo baaxadda iyo astaanta bartilmaameedka, madfaca BONUS ayaa lagasoo ridayaa madfac ay dhuuntiisu leedahay maraare dhan 155mm.

Madfacu wuxuu usoo hoobanayaa sidii qaansoc, isagoo leh tiiro gaaraysa ilaa 35 kiiloomitir [21.7 mi]. Deeto fiyuus lasii waqtiyeeyey ayaa wuxuu qarxinayaa laba rasaas oo kusii dhex jirta qolofka madfaca kuwaasoo kasoo dhex baxaya marka uu ku dhowaado bartilmaameedka.

Marka ay ka baxaan qolofka, waxay toos u abbaarayaan bartilmaameedka iyagoo lasoo baxaya garab-yorooyin ay ku duulaan, waxayna iyaga oo sidii daroon is wada ku hoobanayaan bartilmaameedka iyagoo ku socda 900 rpm, islamarkaana sawiraya bartilmaameedka.

Marka ay qaaba qoowsayn u jiraan bartilmaameedka waxay qarxayaan iyagoo islamarkaana gelaya duleelka tooreetka taangiga taasoo jab wayn gaarsiinaysa ciidanka saaran iyo taangiga laftiisa.

Waxaa jira ugu yaraan laba dal oo kale oo haysta hub ama isticmaala tignoolajiyaddan Bofors/Nexter 155 BONUS mid la mid ah. Mid waa nooca German-ka ee SMARt 155, halka kan kalena uu yahay midka Maraykanka ee M898 SADARM.

Bofos/Nexter 155 BONUS waxaa hadda haysta dalal dhowr ah sida: France, Sweden, Finland, USA, Norway, iyo, sida hadda caddaatay, Ukraine. Lama sheegin cidda Ukraine hubkan siisay.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media