Kooxaha EPL oo wax ka bedelaya koobabka Carabao, FA CUP iyo Community Shield (Isbeddelkii ugu waynaa muddo 30 sano ah)

0

(London) 06 Jan 2023 – Madaxda kubbadda cagta Ingriiska ayaa lagu soo warramayaa inayyeelanayaan wadahadallo ku saabsan wax lagu sheegay isbeddelkii ugu waynaa ee ciyaaraha gudaha dalkaasi ka dhaca muddo 30 sano ah, iyadoo isbedelladan lagu samaynayo FA CupCarabao Cup iyo Community Shield.

Sida laga soo xigtay The Times, lix qof oo hormuud ka ah  Premier League, FA-ga iyo EFL ayaa si shakhsi ah u kulmaya markii ugu horreeysey Jimcahan si ay u turxaan bixiyaan dhowr hindise oo ka yimid naadiyada heerka koowaad; kuwaas oo ay ku jiraan in la baabi’iyo ciyaarta ku celiska ee FA Cup-ka, in kooxaha dheelaya tartamada yurub loo fasaxo inay kaliya ciyaarsiiyaan da’ yartooda Koobka Carabao Cup amaba inay kooxaha waawayni iskaga baxaan tartankaa daaliska ah iyo in Community Shield laga bedelo booska uu haatan uga jiro xilli ciyaareedka.

BEDELKA COMMUNITY SHIELD – Naadiyada waawayn ayaa aaminsan in ciyaarta Community Shield, oo inta badan la qabto Axad kahor dhamaadka usbuuca ugu horreeya ee Premier League, ay carqaladayso isku diyaarintooda xilli ciyaareedka waxaana hindisaha ay soo jeediyeen ka mid ah in la ciyaaro bartamaha xilli ciyaareedka, iyo in lagu soo ciyaaro dalal kale sida ay sameeyaan Talyaaniga iyo Spain.

KULAMADA KU CELISKA AH – Dhanka FA Cup-ka, kooxaha Premier League ayaa aad u danaynaya in kulamada ku celisyada  ah la baabi’iyo gebi ahaanba wixii ka dambeeya wareegga saddexaad oo ah marka kooxaha heerka koowaad ay tartankan kusoo biiraan. Ku celiska ayaa hadda la sameeyaa ilaa wareega afraad.

Maamulka Premier League ayaa soo jeediyey wax lagu sheegay ‘Heshiiska Cusub ee Kubadda Cagta’, kaas oo keeni kara in la sameeyo isbeddelladii ugu muhiimsanaa tan iyo markii la aasaasay Premier League 1992-kii. Ujeeddaduna waa in la yareeyo ciriiriga ciyaaraha laga bilaabo 2024-ka iyo wixii ka dambeeya.

English football chiefs are reportedly set to hold talks over the biggest shake-up of the domestic game for 30 years - which could see Premier League teams quit the Carabao Cup

Waxa kooxaha Premier League laga doonayaa inay lacag badan siiso heerarka hoose gaar ahaan EFL oo ka doonaysa £300 milyan oo ginni oo dheeraad ah oo maalgelin ah. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda kooxaha heerka kowaad waxay ogolaadeen wax in yar ka badan kala bar tiradaas.

Hadalsame Media