Qaar ka mid ah xildhibaannada oo kasoo horjeestey guddi uu Baarlamanka DF u saaray Laascaanood

0

(Muqdisho) 04 Jan 2023 – Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanaka Soomaaliya gaarahaanna kuwa ka soo jeeda Somaliland ayaa ka horyimid guddi gaar ah oo shalay uu magacaabay guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) Guddigaas oo loogu tala galay inuu warbixin kasoo diyaariyo rabshadaha ka socda magaalada Laascaanod ee gobolka Sool.

Xildhibaannada ayaa sababta ay guddigaan ku diidanyihiin ku sheegay in qaabka loo maray magacaabista aaney ahayn qaab sax iyo sidoo kale in xubanaha la magacaabay qaarkood aaney xog badan ka ahayn xaaladda Laascaanood.

Haddaba Xildhibaanadaas waxaa ka mid ah Nuuradiin Col u Joog oo BBC u sheegay inaysan diidanayn in guddi la saaray laakiin uu saluugsan yahay sida loo saaray iyo cidda la saaray oo uu xusay inaysan aqoon u lahayn islamarkaana aanu goluhu ka doodin magacaabistooda ama aysan si dhow ula socon waxa meesha ka socda sida uu yiri.

Wuxuu kaloo sheegay in aan lagu kalsoonaan karin qaar ka mid ah dadka uu Baarlamanku u saaray inay soo baaraan arrinta Laascaanood isagoo saluugey sida ay qaarkood u hadleen oo ay dhinac u safteen sida uu yiri Col u Joog oo sheegay inay guddiga uga digayaan inay howshan sii wadaan.

Xildhibaankan ayaa sidoo kale ku dooday in dadka lagu laayo Laascaaneed ay inta badan ka tirsan yihiin Maamulka Somaliland islamarkaana aan la garan cidda ay yihiin, balse ma uusan sharrixin sababta ay Maamulka Somaliland u turxaan bixin waayeen inay iyagu soo qabtaan ama gartaan cidda dilka gaysanaysa.

Hadalsame Media