Macallinka Newcastle oo ka jawaabey wararka sheegaya in Ronaldo uu kooxdiisa u ciyaari karo

0

(Hadalsame) 03 Jan 2023 – Warbixin cusub ayaa maanta sheegtay in qandaraaska qaaliga ah ee Cristiano Ronaldo‘s uu kula jiro kooxda Saudi Arabia ee Al-Nassr uu dal daloollo leeyahay kaasoo u saamaxaya in uu ku biiro haddii Newcastle United ay soo gasho afarta sare ee CL.

Intii lagu guda jirey caradii ka dhalatay mustaqbalka Ronaldo markii uu joogay Manchester United, iyo markii dambe ee uu xorta noqday, waxaa la aaminsanaa in xiddigga reer Portugal uu raadinayo koox ku lug leh kubbadda cagta Champions League.

Haatan, in kasta oo uu doortay inuu aado Sacuudi Carabiya, gaar ahaan koox ka fog tartanka ugu sarreeya kooxaha Yurub, wuxuu usoo laaban karaa si ka yara dhaqso badan sidii la filayey,  sida lagu qoray warbixin lagu daabacay warqaadka Marca.

Qodob shuruudeed ka mid ah qandaraaska cusub ee Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa in loogu ogolaan doono inuu amaah ugu biiro kooxda Eddie Howe ee Newcastle haddii ay ku dhamaystaan afarta sare, ayna u soo baxaan Champions League fasalka soo aaddan ee 2023-24.

Haatan se, Eddie Howe ayaa markii koowaad ka hadlay wararkan xanta ah markii la waydiiyey kahor kulanka Newcastle ee Premier League ay ku wajahayaan Arsenal.

Waxa uu u sheegay hilinka Sky Sports: “Waxaan u rajaynaynaa wanaag oo dhan Cristiano laakiin ma jirto wax run ah oo arintaas ku saabsan marka la eego aragtideenna”.

Hadalsame Media