Laba laacib oo ka tirsan PSG oo lagu arkay meel aysan xitaa ku ogayn dadka goobta kula sugan (Daawo)

0

(Paris) 04 Jan 2023 – Labada laacib oo ka tirsan kooxda PSG ayaa lagu arkay meel aan laga filaynin oo jid ah iyagoo saxmad dad ah dhex taagan misna is qarinaya.

Waa xiddigaha caanka ah ee Kylian Mbappe iyo saaxiibkii Ashraf Hakimi oo taagan meel ay ku hareereysan yihiin dadwayne aan wax ka haynin inay meeshaba joogaan.

Meeshan ay labada laacib taagan yihiin oo ah jid ay dhallinyaro ku qabanaysey bandhig balse waxaa jamaahiirta wax daawanaysey ka tirsanaa labadan jookar oo soo qaatay weji qariska loo yaqaan baclava-ha.

Hilinka ESPN oo muuqaalkan soo bandhigay ayaa ku dul qoray kabshan uu ku leeyahay ”qiyaas inaad aad ugu dhowdahay Kylian Mbappe iyo Ashraf Hakimi balse aanad ogayn.

Hadalsame Media