Ingiriiska oo Ronaldo u diidey inuu habeen dambe safto kulan-bilowgiisii kooxda Al-Nassri (Maxaa dhacay?)

0

(Riyaad) 04 Jan 2023 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayaa laga mamnuucay inuu safto kulankiisii ugu horreeyey ee uu u dheelo Saudi Arabian habeen dambe oo Khamiis ah, sida uu Mail Online daaha ka qaaday haatan.

Ronie ayaa lagu wadey inuu kasoo muuqdo naadigiisa cusub ee Al Nassr, kaasoo la sheegay inay siinayso £175 milyan oo ginni sannadkii islamarkaana iibisey 28,000 oo tigidh kulanka ay la leeyihiin Al Ta’ee.

Yeelkeede, ciyaaryahanka isku magacaabay ‘xiddig khaas’ ah, ee sida xun kaga tegey Manchester United, ayaa lagu ciqaabayaa fal-dambiyeedka uu galay xilligii uu joogey Ingiriiska gaar ahaan dharbaaxo uu ku dhuftay taageere Everton ah.

Ronaldo ayaa lagu ganaaxey lacag dhan £50,000 oo gini, waxaana loo raaciyey ganaax labo kulan ah oo uu jaray Xiriirka Kubadda Cagta England 17-kii Nofeembar.

Waxa uu dharbaaxay gacanta Jacob Harding markii uu kasii dhaadhacey dusmada garoonka, taas oo burburisey telefoonka wiilka ayr. Hooyadiis Sarah Kelly ayaa sheegtay in gacanta wiilkeeda ay sidoo kale xagatini ka gaartey dharbaaxada Ronaldo.

Guddiga Madaxabannaan ee FA-ga England oo uu madax u yahay Christopher Quinlan KC ayaa waxay ku heleen Ronaldo denbi ah ‘Dharbaaxo xoog leh oo ula kac ah’ taasoo ahayd ‘fal fool xun’ waxayna u jareen ganaaxan.

Sharciga FIFA, gaar ahaan Qodobka 12.1, ayaa dhigaya in ganaaxa labada kulan ee Ronaldo uu u gudbi doono kooxdii kasta oo uu ku biiro taasoo ka dhigan in Ronaldo aanu safan karin habeen dambe kulanka kooxdiisa cusub ee Al-Nassri iyo Al Ta’ee.

Hadalsame Media