Waxaa jira 5 astaamood oo ay ciidanka laga keenay Eritrea kaga duwan yihiin kuwa kale ee Somalia

0

(Muqdisho) 02 Jan 2023 – Waxaa maanta xerada Gordan ee magaalada Muqdisho ciidamada Eritrea laga keenay ugu tegey MW Xasan Sheekh oo u sheegay inay gelayaan dagaalka ka dhanka ah Shabaabla.

5 SIFO OO AY KU SOOCAN YIHIIN taasoo ay leeyihiin Ciidanka ERITREA Soomaaliya u tababartay! 🇪🇷🇸🇴

1 – La tababar maaha dhammaan SNA-da kale.

30 bilood oo waxay mareen xaalad adag ah, io tababarada ah, taas oo looga dhigay ciidan u adkeysan kara marxalad kasta iyo wajihida cadowga

2 – La direys maaha dhammaan CDS-da kale.

Dhammaan direyskooda iyo agabgadooda Milateri maaha kuwa ay haystaan ciidamada kale, weyna adag tahay in lagu dhex dhuunto- suuqyada laga helo ama cadowgu isku key-siiyo.

3 – La aqoon maaha dhammaan CDS-da kale.

Halkii Askari wuxuu qabaa nooc kasta oo Tababar ciidan ah iyo Maadi-ba, kan ugu yar 2-3 Luuqadood ayuu ku hadlayaa- ciidan kastana wuu la howlgali karaa.

4 – La khibrad & Tayo maaha dhammaan CDS-da kale.

Waa dhalinyarro 2 sano si adag loogu carbiyey Wadaniyad iyo dal jaceyl wuxuu yahay, horeyna waxay u ahaayeen kuwa aan horey qeyb uga noqon dagaaladii magacyada badnaa ee raadiyey Soomaaliya.

5 – Hoggaankoodu, ka meyran dhammaan Siyaasadda

Hoggaankoodu maaha kuwa ku foogan ama la falgashan siyaasadda isku heysigeeda, Taliyayaashooda Guutooyinkoda hadda maaha wax la dhisay maalinkii ay xarooden ayaa gaar loo sii carbiyey, Guuto kasta 3-5 Askari oo kala sareeya ayaa hoggaan u noqonaya.

W; Q: Faarax Cabdulqaadir

Hadalsame Media