Laacib £20,000 oo gini eey kasoo bixiyey si uu u ilaaliyo BILLADDII la siiyey markii ay Argentina qaadeen Koobka Adduunka (Ciidamada Maraykanka & UK oo…)

0

(Hadalsame) 02 Jan 2023 – Waxaa marar badan horay u dhacday in laacibiin kala duwani ay sii iibsadaan eeyo si gaar ah u tababaran si ay uga caawiyaan dhanka amaanka.

Goolhayaha Argentina iyo Aston Villa ee Emiliano Martinez ayaa isku dayaya in uu ilaaliyo billada uu ka qaadday Koobka Adduunka isaga oo la sheegay in uu £20,000 oo gini ku bixiyey ey waardiye ah gaar ahaan nooca Belgian-ka ee Malinois.

30-sano jirkan ayaa qayb muhim ah ku lahaa guushii Argentina ay ka gaareen Koobka Adduunka isagoo soo qaatay galoofka dahabiga ah, waxaana uu sidoo kale ka xiddigeeyey labo jeer ok rigoore ku badiyeen intii uu socdey tartankii Qadar.

Martinez waxa uu haatan iibsaday eyga waardiyaha ah ee Belgian Malinois, kaas oo ay isticmaali jireen ciidamada halaagan ee Ingiriiska iyo Maraykanka sida SAS iyo US Navy Seals oo la taga aagagga dagaalka, sida uu qabo Daily Star.

Eygan waardiyaha ah ayaa waxaa la sheegay inuu ku kacayo ugu yaraan £20,000 oo gini iyadoo uu miisaankiisu yahay ilaa 30kg.

Dhawr xiddigood ayaa horay tillaabadan u qaaday si ay ammaankooda u sugaan sannadihii u dambeeyey, iyada oo  daraasiin ciyaartooy heer sare ah ay guryahooda bartilmaameedsadeen tuugo.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta iyo goolhayaha reer France ee Hugo Lloris ayaa ka mid ah xiddigaha kubbada cagta ee eeyaha waardiyaha ah soo iibsaday waqtiyo sii horreyey.

Xidigihii hore ee England ee Ashley Cole iyo Jack Wilshere ayaa sidoo kale shirkaddan uu Martinez la macaamilay eeyo ka iibsadey, waxaa sidoo kale shirkaddan wax kasoo iibsadey ninka feerka miisaanka culus ee Tyson Fury.

Hadalsame Media