Laba arrimood oo aan Somaliland dan u ahayn oo ka dhalan karta xaaladda Sool haddii aan tillaabadan la qaadin

0

(Laascaanood) 01 Jan 2023 – Somaliland iyo dadka Sool – Kacdoon kasta oo bulsho oo wax lagu diiddan yahay waxna lagu dalbanayaa waxa uu leeyahay ujeeddo sal u ah (principal factor). Kacdoon kastaana, ujeeddadiisa jawaabta uu u helo ayaa go’aamisa natiijadiisa.

Tusaale ahaan, bannaanbaxyadii 11 Agoosto ka dhacay magaalooyin waaweyn oo Hargeisa, Burco iyo Ceerigaabo ka mid yihiin waxa salkoodu ahaa ujeeddo cayiman, taas oo ah in doorasho la qabto lana dhawro sharciga jidaynaya doorashada iyo xuquuqda dadka.

Laakiin, sidaa lidkeeda, kacdoonka Laascaanood ka socdaa ma laha ujeeddo cayiman, sida in nabadgelyada la sugo ama waxqabad maammul in la fuliyo. Reer Laascaanood, iyo guud carro Dhulbahante baaq kale ayaa ka yeedhaya: waa in Somaliland ciidankeeda kala baxdo dhulkooda. Mar kale, baaqa Dhulbahante ku ma cayinna in Somaliland dhulkooda ciidanka kala baxdo, ee waxa garab socota dalbashada xuquuq aasaasi ah, taas oo ah ‘aayo-ka-tashi.’

Sidaa kolka xaal yahay, sharci ahaan, waaqac ahaan iyo garasho ahaan, ma jiri karto sabab loo aqbalo karo in xaqa Dhulbahante la dafiro, laguna beddelo dil, dhaawac, cabbudhin iyo fasahaad kale, taas oo ah jawaabta ay kacdoonkan ka bixisay Somaliland ta uu Muuse Biixi hoggaamiyaa.

Dhulbahante waa Muslimiin, waa Soomaali, waana tol, tolkayga Isaaq derisnimo iyo dadnimo la wadaaga, oo sida tolkay oo kale xaq u leh in la dhawro xurmadooda, xorriyaddooda, naftooda iyo maalkooda.

Sida hadda xaalku yahay haddii wax u sii socdaanna, waxa laga dhaxli doonaa laba natiijo oo cidhib xun: nacayb isir qabiil ku salaysan oo horseeda dagaal khasaarihiisu baahsan yahay, iyo dooddii Somaliland jiritaankeeda ku salaynaysay oo burta.

Labadaba lama mahadin doono. Sidaa daraaddeed, si xeego, xeego u noqoto, ilkana u nabad galaan, Somaliland Laascaanood ciidanka ha kala baxdo.

W; Q: Haykal Muxumed Cabdi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media