Rashford oo sharraxay sabab qosol badan oo keentay inuu u caroodo macallinkiisa oo kaydiyey qaybihii hore ee guushii Wolves

0

(Hadalsame) 31 Dis 2022 – Marcus Rashford ayaa waxaa safka hore ka cunay Erik ten Hag kaddib markii uu ku kacay wax uu isagu ku micneeyey “khalad dishibiliinka la xiriira.”

Rashford uu isagu lahaa goolkii madiga ahaa ee ay maanta ku mareen kooxda Wolves oo uu ka dhaliyey goolkiisii 11-aad kulankii Molineux, ayaa hadda ka sheekeeyey wixii dhacay.

Rashford oo aqbalay ciqaabta kaga timid macallinkiisa ayaa haatan daaha ka qaaday inuu hurdo dheer oo gataati dhac ah seexday, taasoo keentay inuu ka habsaamo kulan ay kooxdu lahayd oo ciyaarta ka horreeyey.

‘Sida iska cad waa xeerka,’ ayuu yiri xiddigga England. ‘Waa khalad dhici kara balse waxaan ka daahay shirkii kooxda – waan seexday oo hurdo ayaa ila tagtay,” ayuu raaciyey.

‘‘Waan ka niyad jabay in aanan ku bilaaban ciyaarta laakiin waan fahmay go’aanka. Waan ku faraxsan ahay inaan ku guuleysanney inaan ciyaartan badino, si aan khad cas u xirno.” Ayuu yiri.

Erik Ten Hag oo ka hadlay sida uu xeerarka ugu dheggan yahay ayaa isna yiri:

“Qof kastaa waa inuu is waafajiyaa hab-raacyada iyo xeerarka, haddii kale waa inay cawaaqibi ka dhalataa.” ayuu yiri Macallinka United.

Hadalsame Media