(Brighton) 01 Jan 2023 – Kooxda Arsenal ayaa xalay markale muujisay inay tahay musharrax adag oo u taagan qaadashada taajka Horyaalka Ingiriiska oo ay muddo dheer ka caagtey kaddib markii ay bandhig koox wayn soo bandhigtay guushii Brighton. Waxay haatan hoggaanka dheereysay ilaa 7 dhibcood.
Ha yeeshee, waxaa jira hal laacib oo ay khubarada iyo taageerayaashuba ay isla qireen kuwaasoo uu ka mid yahay Paul Merson oo amaanay kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard oo si wayn uga xiddigeeyey guushii ay 4-2 kaga badiyeen Brighton habeenkii sanadka cusub.
Martin Odegaard oo loo doortay xidigii garoonka kulankii labaad oo xiriir ah ayay taageerayaasha Arsenal ku amaaneen howshiisa sixirka ah intii lagu guda jirey guushoodaas ay ku garaaceen Brighton si ay ololohooda Premier League ugusoo afjaraan heersare ah 2022-kii.
24-sano jirkan ayaa dhaliyey goolkii labaad ee Gunners-ka daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta, halka baaskiisa fogaan aragga ahaa uu noqday mid ku haboon caawintii saliidaysnayd ee Gabriel Martinelli kaasoo dhaliyey goolkii afraad ee kooxdan martida ahayd.
Arrintan ayaa keentay in khubarada ciyaarta iyo taageerayaasha Arsenal ayaa Odegaard ku tilmaamaan matoorka had iyo goor shidan ee dhaqaajiya diinimada soo saarta quwadda ay dabka ka dhigato kooxda Gunners.
This nutmeg by Odegaard was crazy! #afc pic.twitter.com/33XNot1W33
— Dylan (@Dsaunders_sj) December 31, 2022
That Odegaard pass.. my wordpic.twitter.com/vekiYd27xx
— Doc (@karthikadhaigal) December 31, 2022
# | KOOX | P | W | D | L | F | A | GD | DHIBCO |
---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
1 |
|
16 | 14 | 1 | 1 | 40 | 14 | 26 | 43 |
2 |
|
16 | 11 | 3 | 2 | 44 | 16 | 28 | 36 |
3 |
|
17 | 9 | 7 | 1 | 32 | 11 | 21 | 34 |
4 |
|
16 | 10 | 2 | 4 | 24 | 20 | 4 | 32 |
5 |
|
16 | 9 | 3 | 4 | 33 | 23 | 10 | 30 |
Hadalsame Media