Caqabad durba soo wajahdey taageerayaasha doonaya inay daawadaan kulamada Ronaldo (Rajada qura ee jirta)

0

(Riyaad) 01 Jan 2023 – Mid ka mid ah ciyaartoyda ugu caansan caalamka ayaa si rasmi ah ugu dhaqaaqay dalka Sacuudiga, balse taageerayaashiisa ku sugan Maraykanka iyo Ingiriisku ma awoodi doonaan inay daawadaan, ugu yaraan si rasmi ah.

Waxaa la shaaciyey Jimcihii in Cristiano Ronaldo uu ka ciyaari doono kooxda horyaalka Saudi Pro League ka dheesha ee Al-Nassr kaddib markii weeraryahanka laga soo fasaxay Manchester United bishi Nofeembar.

Ilaa haatan, Horyaalka Sucuudiga ee Saudi Pro League ma lahan heshiis baahineed rasmi ah oo gudaha Maraykanka ah. Intaa waxaa dheer, labada tartan ee kale ee Saudi Arabia – King Cup iyo Super Cup-ka Saudi Arabia aysan iyaguna lahayn heshiisyo baahineed.

Inta badan xuquuqaha horyaallada qaranka ee Xiriirka Kubadda Cagta Eeshiya ee Maraykanku wuxuu u kala qaybsan yahay YouTube, OneFootball, iyo ElevenSports.

Halka xuquuqda labada koob ee heerka qaaradeed: AFC Champions League iyo AFC Cup ay hadda haysato CBS Sports. Sidaa darteed, maadaama ay Al-Nassri ay kaalinta tobnaad ku dhamaysteen, Al-Nassr kuma jiraan tartamadan Aasiya.

Arrimuhu waana kasii daran yihiin dhanka UK – kuwaas oo kaliya leh xuquuqda AFCCL oo baahiso OneFootball. EuroSport ayaa ciyaarahan googooskooda sii daaya, laakiin ciyaaraha tooska ah hadda lagama baahiyo.

Taasi waxay la micno tahay in hadda, taageerayaashu ay u baahan yihiin inay rajeeyaan in Al-Nassr ay ku dhammaysato xilli ciyaareedka kaalimaha koowaad ama labaad si ay si toos ah ugu soo baxaan AFC Champions League ama kaalinta saddexaad ee isreebreebka AFCCL si ay u daawadaan Ronaldo oo ciyaaraya xilli ciyaareedka soo socda.

Hadalsame Media