WARBIXIN: Yaa dadka ku laaya Laascaanood? Cadaalad se ma tahay in Maamulka Somaliland kaligii lagu eedeeyo (Daawo)

0

(Laascaanood) 30 Dis 2022 – Waraka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay saaka yara deggan tahay balse ilaa iyo xalay saqdhexe ay socdeen dibadbaxyo goos goos ah.

Ciidamada ayaa magaalada laga saaray oo ku noqday saldhigyadooda, inkasta oo rasaas goos goos ahna la sheegay in xalay magaalada laga maqlayey, wax khasaara ah oo rasaastaasi ka dhashayna lama soo sheegin.

Shaqaaqadan ayaa salka ku haysa wiil halkaa lagu diley oo maxalli ah, balse su’aashu waxay tahay yaa dadka dilaya yaase ka dambeeya? Waa su’aal jawaab waafi ah loo la’yahay, iyadoo ay qolaba dhinac farta ku taagayso. Waxaa dhinacyada la eedeeyey ka mid ah Maamulka Somaliland.

Yeelkeede, sida aad uga bogan karto warbixintan hoose, dadka lagu laayo magaaladaasi waxaaba inta la diiwaangeliyey u badan dad ka tirsan Maamulka Somaliland laftiisa oo iskugu jira sida madax, ay ka mid yihiin Guddoomiyeyaal, Xildhibaanno iyo howlwadeenno hay’adeed sida isu duweyaal iyo shaqaale kale.

Haddaba, warbixintan oo uu sameeyey weriyey Cali Mahdi Jibriil waloow aysan isu dheelli tirrayn oo uu kaliya soo qaatay dadka ka tirsanaa Maamulka Somaliland ee halkaa lagu diley, balse ay jiraan dad badan oo kale oo aan Maamulka ka tirsanayn oo ay dadka degaanku sheegeen in halkaa lagu khaarajiyey, misna ugu yaraan waxay sawir fiican ka bixinaysaa in dad badan oo Maamulka ka tirsan halkaa lagu laayey.

Halkan hoose ka DAAWO….

Hadalsame Media