DAAWO: Ronaldo oo markii ugu horreeysey isagoo faraxsan oo nastay la arkay kaddib fashilkii Qadar (Haddiyad la siiyey)

0

(Hadalsame) 30 Dis 2022 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa lagu arkay isaga oo wata gaari ku kacaya £250,000 oo gini oo ah nooca qaaliga ah ee Rolls Royce markii ugu horreeysey tan iyo markii ay u hadiyeeysey saaxiibtiisa Georgina Rodriguez.

Rodriguez ayaa sanadkan u muuqatey mid sanadkan deeqsinimo gaar ah iska baartay kaddib markii ay soo dhigtay Instagram-ka hadiyaddan qaaliga ah ee ay ugu talagashay Ronaldo, waxaana la arkayey Rolls Royce oo ku duudduuban ribonka haddiyadda ee casaanka ah.

Ronaldo ayaa haddana la arkayey isaga oo deeto casho u qaadaya qoyskiisa iyo asxaabtiisa fiidnimadii Khamiistii xalay meel ka tirsan magaalada Madrid ee caasimadda Madrid.

37-jirkan ayaa sidoo kale u muuqdey nin soo nastay marka la eego muuqaal lasoo dhigay TikTok, isagoo dhoolla caddaynaya oo la kaftamaya dadka ugu dhow, inkastoo mustaqbalkiisa naadi uu hawada kusii jiro.

Hadalsame Media