Siyaasiyiintii dhaliili jirey in jidadka la xiro oo aamusay & Siyaasiga qura ee ilaa hadda hadlay

0

(Muqdisho) 29 Dis 2022 – Waxaa maalintii seddaxaad xiran jidadka magaalada Muqdisho oo la xirey kaddib markii la sheegay inuu imanayo MW Jabuuti ee Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo xirnaantani ay keenayso inay dadku khasaaraan malaayiin Doollar, sidoo kalena ay noloshu kusii adkaato dadka wax ku hela wixii ay maalintaa helaan.

Waxaa ugu daran inay aamusan yihiin inta badan siyaasiyiintii aadka u dhaliili jirey in jidadka la xiro oo haatan ka tirsan nidaamka jidadka xirey, taasoo loo arkay inaysan mabda’ ka ahayne ay maqaam raadsi ahayd.

Hal siyaasi ayaase arrintan ka hadlay oo ka mid ah raggii horay u dhaliili jirey in jidadka la xiro waana Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidan soo qoray:

”Tobankii sano ee ugu danbaysay shacabka Muqdisho waxay dhibbane u yihiin waddooyinka la xirayo iyo socodka dadka oo la xannibayo.

”Shacabka caasimadda ku dhaqan waxay u badan yihiin xoogsato ku tiirsan shaqo nolol maalinle ah, waxaa jira kuwa dhakhtarka gudaha ah tegaya, ama safar caafimaad ee dibadda u baxaya, kuwo dano kale oo muhiim ah u safraya, hoteello iyo meherado cuntadii ay maalinkaa kariyeen qubaya markii ay waayaan dadkii macaamil ka ahaa, arday baa iskuulkii iyo jaamacaddii ka baaqanaysaa, gacansigii kale ayaa faa’iido badan luminaya.

”Hay’adaha amniga qaabilsan halka wax ay yaqaanaan waa in ay waddooyinka xiraan, sababtoo ah xilkooda masuuliyad lagula xisaabtamo kuma larna, mana jiro cadaadis bulsho oo iska caabinaya takri-falka.

Wuxuu weliba kooxda haatan xilka haysa xusuusiyey inaysan samaynin wixii ay shalay ka cabanayeen.

”Taas ayaa keenaysa in 10 sano ay xaaladdu sidaan iska ahaato. Madaxda iyo masuuliyinta dalka ee shalay dhibkan ka cabanayey, ama culayskiisa cabirayey maanta iyagaa talada haya. Qaarkood markii xilka loo magacaabay isla xisaabtan ayey noo balanqaadeen.

”Suuragal maaha in ay sidii kuwii shalay u dhaqmaan oo dhibka shacabka iska dhega tiraan. Xukunka shakhsi, shakshi beddelay maaha ee waa in qaabka, habdhaqanka, farsamada shaqada loo qabanayo is-beddeshaa, dadkuna dareemaan in loo damqanayo.

”Shacabkuna waa in ay awooddooda fahmaan oo danahooda u midoobaan madaxda iyo masuuliyadda Dawladda meel iska saaraan, sida looga rabo in ay Al-Shabaab uga hortagaan, ayey tahay in ciddii awood ku takri-falaysa ka diidaan.” ayuu kusoo afjaray.

Hadalsame Media