Mbappe oo markii ugu horreeysey ka jawaabey falalkii anshax xumada ahaa ee Xulka Argentina & Messi oo aan…. (Daawo)

0

(Paris) 29 Dis 2022 – Kylian Mbappe ayaa markii ugu horreeysey ka hadlay dabbaaldeggii aabiga ahaa ee Argentina isagoo ku adkaystay in aanu “wax dhib ah ku qabin” xilli uu goolwale Emiliano Martinez sameeyey dhowr arrin oo lagu tilmaamay mid anshax ahaan ka baxsan ciyaaraha tan iyo markii ay Argentina koobka ka qaaday France.

Martinez, oo ahaa geesiga Argentina xilligii rigoore tuurashada, ayaa aad u daba dhigtay Mbappe isagoo xitaa sameeyey daqiiqad aamus ah, mar kale oo ay caasimadooda tageenna waxaa la arkayey isagoo gacanta ku haya canug yar oo uu dulsaaray wax u eg wejiga xiddiga PSG intii lagu guda jirey dhoollatus ay bas furan ku mareen Buenos Aires todobaadkii hore.

Tan ugu sii darnayd waxay ahayd, in Martinez marka uu kor u taagayey boombalaha uu ku maagayey Mbappe uu garab taagnaa laacibka ay PSG u wada ciyaaraan ee Lionel Messi oo sida muuqata aan arrintan waxba ka qaban.

“Dabaaldegyadaasi dhibkayga maaha,” ayuu Mbappe u sheegay suxufiyiinta markii wax laga waydiiyay falkii Martinez kaddib guushii PSG oo 2-1 dirtay Strasbourg, sida ay soo werisay RMC Sport.

“Wax tamar ah kuma lumiyo waxyaalahan maalaayacniga ah. Waxa muhimka ii ah ayaa ah in aan kooxdayda aad ugu dadaalo, waxaana rajaynaynaa in Leo (Messi) uu dhararayo inuu sii wado gool dhalinta iyo guulaysiga kulamada”.

“Waan la hadlay isaga (Messi) kaddib ciyaartii (Koobka Adduunka), waan u hambalyeeyey,” Mbappe ayaa hadalkiisa raaciyey. “Waxay u ahayd hadaf nololeed, anigana sidoo kale, laakiin waan ku guuldarraystay, marka waa inaad mar walba ahaato qof ilaaliya ciyaar wanaagga.” ayuu yiri.

Hadalsame Media