“Ma aqbalayno hareermarka xeerka idiin degsan!” – FIFA oo markale runta u sheegtay Xiriirka Kubadda Cagta Somalia (Dad dacwooyin gudbiyey)

0

(Muqdisho) 27 Dis 2022 – FIFA ayaa markale dharbaaxsho kulul ku dhufatay, madaxda Xiriirka Kubada Cagta ee waqtigoodu dhamaaday iyo guddigooda doorashadda.

Waxay FIFA caawa soo dirtay warqad kale, taasoo ay si fiican ugu canaanatay xafiiska Xoghaynta iyo Guddiga Doorashadda, waxayna ku celisey in berri aan la qaban karin wax doorasho ah.

Guddiga Doorashadda waxaa si cad loogu sheegay in go’aamaddi ay gaareen ay dib ugu laabtaaan oo ay saxaan doorashaddana laga dhigo mid dadka oo idil u furan, ama in markale dib loosoo bilaabo hanaan doorasho oo cusub kaas oo la samaynaayo dhabbe-howleed cusub.

FIFA ayaa madaxda xiriirka ee waqtigoodu dhamaaday waxaa si dadban ugu codsatay inay faragelinta ka daayaan Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada.

Arrintan waxaa xoojinaya warqaddii Ilham Gasar oo ah xubin ka mid ah Guddiga Doorashadu ay u dirtay FIFA taas oo ay ku caddaysay in Guddiga Doorashaddu ay faragelin ku hayaan garabka Cali Shiine.

Waxaa la amaanay oo bogaadin iyo mahadcelin mudan Wasiirka Cayaaraha DF Soomaaliya, Maxamed Bare Maxamuud, kaasoo ay wararla qaar sheegayaan inuu ka dhaartay in rag gaar ihi ay iska xirtaan doorashada oo hal shakhsi oo kaliya uu is caleemo saaro.

W; D: Cabdifitaax Axmed Maxamuud

Hadalsame Media