Dekedda Berbera oo lagu darayo qayb kale oo ka dhigaysa mid ka mid ah dekedaha ugu casrisan gobolka + Sawirro

0

(Berbera) 27 Dis 2022 – Dekedda Berbera ayaa sii ballaaranaysa iyadoo labada wiish ee cusubi ay ka kor mari karaan markabbada waawayn oo xamuulka ah sida iyagoo gaari kara shan konteennar oo is dulsaaran.

Gawaarida xamuulka qaada ayaa dul hogan dhismaha cusub ee 400 mitirk ah (1,324-cagood) ee laga dhisay dekedda Berbera, iyagoo sugaya in konteennarrada laga soo dejiyo.

Balaarinta Dekedda Berbera waxa maalgelisey shirkadda DP World oo ah shirkad caalami ah oo dhinaca saadka ah oo fadhigeedu yahay Dubai. Shirkadda oo ku takhasustay saadka xamuulka, howlaha dekedaha, adeegyada badda iyo samaynta goobaha ganacsiga xorta ah, waxay dano ganacsi ku leedahay 34 waddan oo ay ka mid yihiin 12 ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe.

Beddelka maalgashigeeda oo ku kacaya $442 milyan (€416 milyan), DP World waxa ay ku guulaysatey heshiis 30 sano ah iyada oo 10 sano oo kale si toos ah loogu kordhiyey si ay u maamusho dekeddan, waloow uu muran ka jiro dhinaca DF Somalia.

Kaddib wejigii hore ee balaarinta, waxaa hadda socda wejigii labaad, kaas oo ay ka mid yihiin in la dhiso khoor cusub oo la gaarsiinayo ilaa 1,000 mitir iyo in lagu daro todoba wiish oo kale oo ah labada caalamiga ah ee aanu soo sheegnay (gantry cranes).

Intaa waxaa dheer, shirkaddu waxay dejisey waxa ay ugu yeertay Aagga Dhaqaalaha Berbera – ama aagga ganacsiga xorta ah ee loogu talagalay soo jiidashada maalgashiga iyo shaqooyinka wax soo saarro kala duwan oo ay kula tartamayso gobolka.

Hadalsame Media