Laacibka Liverpool ka caawiyey inay United ka dulqaaddo Gakpo oo la sheegay – Halyeey Liverpool ah oo LABA arrin dhaliil ugu jeediyey

0

(Liverpool) 27 Dis 2022 – Halyeeyga Liverpool ee Steve Nicol ayaa su’aal geliyey sababta ay kooxda Reds u ogolaatay heshiis £44milyan ginni ah oo ay kula soo wareegtey xiddiga PSV ee Cody Gakpo.

Kooxda Merseyside ayaa afduubtay qorshe ay Manchester United ugu dhaqaaqday Gakpo maalintii shalay ee Boxing Day kaddib markii ay heshiis deg deg ah la gaartey kooxda reer Holland.

Daafaca kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa la sheegay inuu kooxdiisa ka caawiyey inuu saaxiibkiis xulka qaranka ee Cody Gakpo ku qanciyo in uu ku biiro kooxdan ka ciyaarta Premier League sida ay haatan sheegayaan wararku.

Kooxda ka dhisan Merseyside ayaa afduubatay Manchester United oo u dhaqaaqday Gakpo maalintii Boxing Day ka dib markii ay heshiis la gaartay kooxda reer Holland si ay ugu soo saxiixato xiddiga sare u kacaya 44 milyan ginni.

Yeelkeede, in kasta oo warku uu aad u xiise geliyey taageereyaal badan oo Liverpool ah, misna xiddiggii hore ee Reds, Nicol, aad uguma qancin warkan oo waxa uu ka fikirayaa halka uu 23-jirkan weerarka ihi uga ciyaari karo nidaamka ciyaareed ee Jurgen Klopp.

”Halkee ayuu ka ciyaaraa? Weerar dhexe kama ciyaaro, dhexdana kama ciyaaro. Waa nooc gala inta u dhaxaysa,” ayuu is waydiiyey Nicol.

“ Halkee ayuu uga habboon yahay shaxda Liverpool u ciyaarto? Ilaa ay wax ka arkaan mooyaane oo uu saddexda hore garab uga ciyaar, ama haddii kale waxay ka dheelsiin doonaan booska Jude Bellingham. “Miyuu qaban doonaa shaqada adag ee raacitaanka?” ayuu is waydiiyey.

Nicol waxa kale oo uu su’aal geliyey qiimaha ay Liverpool ku iibsanayso Gakpo, isaga oo soo jeediyey in awoodda ciyaartooygu aanay gaarsiisnayn heerka Liverpool, sida uu qabo.

Hadalsame Media