Dhaqan-xumo nooc cusub ah oo waalidka murjinaysa oo ku dhex faafaysa gabdhaha yar yar ee Muqdisho & Meelo kale (AIDS ka dhalan kara)

0

(Muqdisho) 27 Dis 2022 – Waxay la helay maydka gabar 22-jir ah oo lagu arkay waddooyinka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sannadkii hore, taasoo bannaanka soo dhigtay dhibaatada balwadda oo haatan ay aad u isticmaalayaan haweenkii magaaladu. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay inay u dhimatay daroogo xad dhaaf ah oo ay qaadatay.

Saaxiibadii baraha bulshada kula socdey ayaa sheegay inay mukhaadaraad muddo dheer isku duraysey. Waxay sheegeen oo kale inaysan saaxi ahayn markii ay duubtay qaar ka mid ah muuqaalladeedii caanka noqday ee TikTok, sida lagu qoray BBC News.

Booliska ayaa diiwaangeliyey kororka xadgudubyada mukhaadaraadka ee Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan haweenka oo aad u isticmaalaya. Waxayna sheegeen in dadku ay u jeesteen noocyo cusub oo daroogo ah sida ”Tabuu”, taas oo keeni karta kansarka afka iyo dhuunta.

Amino Abdi, 23, has been abusing drugs for the past five years. Although female drug addiction is a taboo subject in Somalia, she has decided to speak about it openly to the BBC in the hope that she can help break the silence and reduce prejudice.

Aamino Cabdi, oo 23-jir ah, waxay si xun u isticmaalaysey maandooriyaha shantii sano ee la soo dhaafay. In kasta oo balwadda dumarku ay tahay arrin ceeb ka ah Soomaaliya, haddana waxa ay go’aansatay in ay si cad uga hadasho BBC-da.

“Waxaan bilaabay inaan Tabbuu-ga la calaliyo gabdhihii aan la noolaa,” ayay tiri.

“Waxay igu yeesheen saamayn xun. Waxaan qabatimay tubaakadan kaddibna waxaan u wareegey daroogooyin kasii adag, gaar ahaan kuwo ku durayo xididada, gaar ahaan tramadol iyo pethidine.” ayay tiri.

Hooyo Khadiijo Aadan ayaa iyana dareentay in gabadheeda oo 14-jir ihi ay u dhaqmayso si aan caadi ahayn. “Waxay seexanaysey waqtiyo aan caadi ahayn waxayna u dhaqmaysey si ka baxsan dabeecaddeedii la yaqaanney,” ayay tiri.

“Maalin maalmaha ka mid ah ayaan boorsadeeda ka helay kiniinnada Tramadol iyo tubaakada la calaliyo, waan waydiiyey waxayna ii sheegtay inay bilowday qaadashada maandooriyahan cadaadiska asaageeda awgii.”

Marwo Aadan waxay deeto gabadheeda u dirtay xarun ay maamulaan shuyuukh Muslimiin ah. Iyadu hadda aan qaadan karin daroogada sababtoo ah macquul maaha inay halkaas ka hesho.

Waxaa jirta khatar ah in kororka qaadashada maandooriyaha xididada laga qaato ay meesha ka saarto heerka hooseeya ee Soomaaliya ee cudurka HIV iyo AIDS oo qaababkan ku faafi kara, waxaana yaab leh in farmashiistayaashu ay qirteen inay daroogadan ka iibinayeen dhallinyarada gaar ahaan dumarka, iyagoo eeganaya kharashka ay ka helayaan, balse aan ka fikirayn fayaqabka bulshada iyo dhaqanka suubban.

“Qof walba waanu ka iibin jirney, waxaana ka samaynay lacag fiican.
Laakin waalidiintu hadda waxay la shaqaynayaan booliska oo bilaabay in ay la socdaan oo mararka qaar na xiraan, waxaan hadda ka baqaynaa inaan dhalinyarada ka iibinno maandooriyaha, taasina ay keento in dakhligii wayno.” ayuu yiri mid ka mid ah farmashiistayaasha Muqdisho oo aan magaciisa shaacin. Halkan kasii aqri…

Hadalsame Media